Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shir-gudoomiyay Kulan ku saabsan Amniga guud ee dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1710723802785.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka, ciribtirka Argagixisada iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka Muqdisho.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo kooxaha Khawaarijtu ay caadeysteen in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hey’adaha amnigu ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si Argagixisadu aanay fursad ugu helin dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee cibaadada Alle ku jira.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo shir-gudoomiyay Kulan ku saabsan Amniga guud ee dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this