Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya waxay isu diyaarinaysaa Dariiqii ay ku Aqoonsan Lahayd Somaliland” Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan

Recommended Posts

Deeq A.   

“Itoobiya waxay isu diyaarinaysaa Dariiqii ay ku Aqoonsan Lahayd Somaliland”
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan

Hargaysa (Qaran news):-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in dawladda Itoobiya diyaarinayso dariiqii ay ku aqoonsan lahayd Somaliland, waxaanu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsatay madax bannaanida Somaliland, waxaanu guud ahaan shacabka Somaliland ugu baaqay inay garab istaagaan oo meel looga soo wada jeedsado sidii guushaasi loo gaadhi lahaa.

Guddoomiyaha guurtida oo wax laga waydiiyay inay jiraan dawladaha qaar cadaadis ku saaraya Itoobiya arrinta heshiiska badda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Turkiga, Masar iyo Soomaaliya ayaa kaga jawaabay sidan
“bal eeg waxa aad ii sheegaysaan, waar Turki iyo Masar anigu midna dhagaysan maayo, doorashada heshiiskan waxa leh shacabka Somaliland iyagaa raba, iyagaa gelaya, haddii dawladaa Itoobiya ina Ictiraaftay waa taynu raadinaynay, ILLAAHAY mahadii weeye, aynu la riixno oo aynu sidaasi kula shaqayano.

Waxaa kale ee Masar iyo Turkiga iyo Soomaaliya ka hadha, Soomaaliya maxay ka qaban kartaa, afka ayuun bay iska xumaynaysaa inagana nacayb ayuun bay innagu beeraysaa, nacaybkana la qaadan maynee ka hadha oo aynu hawshaasi wada qabsano dad walaalo ah oo Soomaali ah aynu wada noqono”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this