Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubintii Komishanka Doorashooyinka ee WADDANI oo Iscasilaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubintii Komishanka Doorashooyinka ee WADDANI oo Iscasilaya
img_1_1709465580108.webp
Hargeysa(Qaran news)-Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ahaa xubintii gudiga doorashooyinka qaranka ee xisbiga WADDANI soo magacaabay ayaa ilo xog ogaal ah oo Qarannews heshay daboolka ka qaadeen inuu is casili doono.

Cabdicasiis Xirsi Warsame ayey is khilaafsanaayeen muddaba komishanka doirashooyinka. Iyadoo madaxweynuhuna hore ugu diray golaha Wakiillada inay go’aan ka gaadhaan, hase ahaatee Golaha Wakiillada cod ku meelmariyay in lagu celiyo shaqadiisii.

Todobaadkii hore ayuu haddana mar labaad madaxweynuhu ku celiyay Golaha Wakiillada inay qaraar ka gaadhaan xubintan.

Ilo looga qaateen ah oo kala duwan ayaa shebakada Qarannews u caddeeyay in Cabdicasiis Xirsi Warsame uu laba maalmood gudahood isku casili doono, si xisbiga WADDANI ugu magacaabo Komishanka xubin cusub.

Sidan waxa loo sameeyay in Xukuumadda Somaliland aanay ku carqaladeyn doorashooyinka muranka iyo khilaafka Komishanka oo arrimo siyaasadeed dabada ku haysa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this