General Duke Posted August 13, 2009 Madaxda sare ee dawladda Puntland oo kulan la yeeshay waxgaradka gobolka Mudug, kalana tashaday dhismaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka. [Akhris ...] Galkacyo, Aug 13 - Waxaa maanta kulan aad u ballaaran ku yeeshay Hotel Taar ee magaalada Galkacyo, madaxda ugu sar sarraysa dawladda Puntland iyo waxgaradka kala duwan ee gobolka Mudug. Kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah isla markaana ka duwan kulamadii hore ee madaxda dawladdu ay la yeelan jireen bulashada gobolka Mudug muddadii ay ku sugnaayeen magaalada Galkacyo, ayaa la iskula soo qaaday qodobo aad u muhiim ah oo dhammaantood ku aaddan xaaladda gobolka Mudug gaar ahaana magaalada Galkacyo oo wakhtiyo is xig-xigay ay ka dhaceen shaqaaqooyin amni xumo. Mas’uuliyiin dawladda oo hadalo qiimo badan halkaasi ka yiri ayaa si wadajir ah ugu dheeraaday ka hadalka xaaladda gobolka iyo sida ay u arkaan in lagu heli karo xal-buuxa oo laga gaaro maashilka gobolka. Wasiirka arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee dawladda Puntland, Gen. C/laahi Jaamac Ilko-jiir, oo shirkaasi ka soo jeediyey hadal dheer oo dhinacyo badan taabanayey ayaa sheegay waxgaradka iyo odayaasha in looga fadhiyo wax ka qabashada dhibaatada amni xumo ee gobolka ka jirta, wuxuuna wasiirku sheegay taas in looga gudbi karo oo kaliya bulashada oo hal dhinac uga soo jeedsata cidkasta oo hagar-daamo ku haysa hannaan socodka howlaha nabad-galyo gobolka. Wasiirku wuxuu shirkaasi ka sheegay dawladdu in ay ku mashquulsan tahay xaaladda gobolka, isla markaana ay ka go’an tahay in ay dhidibada u taagto maamul adag oo awood iyo kartiba u yeelan kara maaraynta mashaakilaadka gobolka. Md. Ilko-jeer, wuxuu intaasi sii raaciyey hadda in ay gacanta ku hayaan qorshe lagu yagleelayo golayaashii deegaanka ee dhammaanba gobollada Puntland , taas oo gobolka Mudug uu noqon doono gobolka ugu horreeyey ee dawladda cusub ee M/weyne Faroole ka unugto golaha shacabka ee degmooyinka gobollada Puntland. Wasiirku, waxaa uu ka codsaday ka qayb galayaashii shirka ee matalayey bulashada gobolka Mudug muddo ku siman 10 cisho gudahood in ay ku soo xulaan xubnihii ka mid noqon laha golaha deegaanka ee degmada Galkacyo, si kadibna loogu sii gudbo degmooyinka kale ee isla gobolka. Waxaana golahaasi ay noqon doonaan sida uu tilmaamay wasiirku, kuwo shuruudo badan hor yaalliin oo ku taxaluqa xagga aqoontooda, waayo aragnimada, xilkasnimada qofka, hantida uu haysto, la dhaqankiisa bulsho iyo waliba sumcadda uu gobolka ku dhaxleeyahay iyo guud ahaanba Puntland. M/weynaha Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud ‘Faroole’ oo isna kulul uga hadlay arrinta dhismaha golayaasha deegaanka gaar ahaanna midka magaalada Galkacyo, ayaa ka codsaday odayaasha dhaqanka ee gobolka Mudug in ay soo xulaan dad buuxin kara shuruudaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ay soo gudbisay, si loo helo gole deegaan oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh shaqada loo dhiibayo isla maraana hagi kara bulashada gobolka iyo kuwa kala ee Puntlandba. M/weynuhu waxaa si gaar ah carabka ugu adkeeyey in dib loo soo celin doono qofkii buuxin waaya shuruudaha ka mid noqoshada golayaasha deegaanka, sidaasi darteedna odayaashu aysan golaha keenin cid aan munaasib ku ahayn booska ama jagada loo dhiibayo. Dhanka kale Nabadoon Maxamed Maxamuud Indho-yare, oo isna halkaasi ka hadlay mas’uuliyiinta dawladda kadib ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan-yiin tallaabada dawladda ee ku aaddan dhisidda golayaasha deegaanka ayna gacan buuxda ku siinayaan sidii loo heli lahaa gole shacab oo aqoon iyo kartiba u leh howsha loo xil saaray ee masiirka umadda. Shirka maanta oo xiiso gaar ah lahaa, ayaa waxaa ka qayb galayey M/weynaha Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud ‘Faroole’ kuxigeenkiisa C/samad Cali Shire, afhayeenka golaha wakiillada C/rashiid Maxamed Xirsi, wasiirrada arrimaha gudaha, amniga, maaliyadda, cadaaladda, caafimaad, maamul wanaagga, dimuqraadiyeynta, wasiirro ku xigeeno, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland, mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada, dhanka bulashada gobolkana waxaa ku sugnaa goobtaasi, nabad-doonno, ganacsato, culimo-awdiin, aqoon-yahano, iyo waxgarad kaleeto oo aad u tiro badan. Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa madaxda dawladda in si rasmi ah beeluhu u horgeeyaan ciddii uga mid noqon lahayd golaha shacabka, taas oo xilligaan la dareemayo hadal haynteeda. C/fitaax Cumar Geeddi’ Idaacadda Daljir. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 13, 2009 Gaalkacyo: Madaxda dowladda Puntland & Bulshada Gaalkacyo oo maanta kulmay….Warbixin waxyaabihii laga wada hadlay…. 13. august 2009 Gaalkacyo(AllPuntlan d)- Sadexda Masuul ee ugu sareysa dowladda Puntland oo booqanaya magaalada Gaalkacyo ayaa maanta wada hadalo la qaatay dhinacyada Bulshada ee magaalada Gaalkacyo, isla markaasna waxa ay la hadlen dad badan oo ku dhaqan magaalada Gaalkacyo. Sadexdan Masuul iyo inta badan Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa dadweynaha tafaasiilaad dheeri ah ka siiyey xaaladaha ay kala kulmeen magaalada Gaalkacyo. Qodobada ay soo qaadeen Madaxda dowladda Puntland ayaa kala ahaa, Amaanka, Siyaasada, dagaalada ka socda Puntland meelo ka mid ah iyo qodobada kale oo khuseeya xaaladaha gaarka ah ee magaalada Gaalkacyo. Jeneraal C/laahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) oo ah wasiirka Arimaha Gudaha iyo dawladaha hoose ayaa ku dhawaaqay maanta in deg deg loo soo dhiso xubnaha golaha deegaanka ee Magaalada Gaalkacyo, isagoo ugu baaqay Beelaha oo dhan in ay 7 maalmood ku soo dhisaan xubnahaasi, oo uu sheegay in ay wax ka qaban karaan xaalada magaalada Gaalkacyo. Jeneraalka ayaa ku adkeeyey Isimada dhaqanka in ay dadka ay soo xulayaan aysan noqon kuwa aan laheyn Aqoon, isagoo tilmaamay in ay dadkaasi noqdaan kuwa buuxiya Sharuudo Adag oo horyaala ayna ka mid yihiin ugu yaraan in ay ka baxeen Jaamacaddo. Sharuudo badan ayuu soo bandhigay Wasiirka Arrimaha gudaha oo dhamaantood ah kuwa khuseeya dadka noqonaya Xubnaha golaha deegaanka ee Magaalada Gaalkacyo. Dhismaha golahan ka dib waxaa la diyaarin doonaa doorashada Duqa Magaalada Gaalkacyo, oo uu hada hayo Col. Axmed Cali Salaad, waxaana ay dad badan horumar wanaagsan uarkayaan in wax laga qabto xaaladaha maamul ee magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlay shirkan ayaa ugu baaqay dadka oo dhan in ay adkeeyaan amaanka iyo ilaaliyaana Siyaasada dowladda Puntland. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in looga baahan yahay in laga wada shaqeeyo amaanka guud ahaan, isagoo cadeeyey in ay magaalada Gaalkacyo ka dhaceen falal badan oo amaan daro, isla markaasna ay hada dowladda Puntland qaaday talaabooyin wanaagsan oo ku jihaysan amaanka gobalka Mudug. Madaxweyne Faroole wuxuu sidoo kale Odayaasha Beelaha ugu baaqay in ay 7 maalin gudahood ku soo dhisaan xubnaha golaha deegaanka uga mid noqonaya, isagoo cadeeyey in sharuudo adag oo ay diyaarisay Wasaaradda Arrimaha gudaha, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyigu ay hor yaalaan dadka ka mid noqonaya Golahaasi. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay Beelaha udhashay Puntland ee ku dagaalamaya meelo ka mid ah gobalka Bari in ay dagaalka joojiyaan, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo horumarka iyo adkeynta amaanka, ee aan loo baahneyn in waqtigan dib loogu laabto dagaalo laga soo gudbay. Odayaal iyo Haween ka hadlay shirkan ayaa maanta Madaxda dowladda Puntland uga tacsiyeeyey dilkii Wasiirkii Warfaafinta Warsame Cabdi Shirwac iyo Geeridii ku dhacday Taliyihii ciidamada Booliska Puntland G/sare Muuse Axmed Saalax. Dhamaantoodna waxa ay ugu baaqeen Madaxda dowladda Puntland ugu sareysa in ay wadaan geedigooda ku aadan arrimaha Horumarinta iyo ka shaqeynta amaanka gobalada Puntland oo ay sheegeen in ay muhiimad weyn tahay in laga shaqeeyo. Sidoo kale waxa ay taageereen hadalkii Madaxweynaha dowladda Puntland uu ugu baaqay Beelo walaala ah oo ku dagaalamaya gobalka Bari in ay dagaalka joojiyaan ayna wax walba ku dhameystaan wada hadal, ayagoo sheegay in aysan waqtigan ay tahay waqtigii ay dadka Puntland ukaraar qaadan lahaayeen Horumar iyo Adkeysi amaan lagana baxay Qabaa'il isku dagaalid iyo waxyaabo kale oo ay ku sheegeen kuwa laga gudbay. Kulankaan ayaa maanta ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo noociisa ah kana dhacay magaalada Gaalkacyo tan iyo markii ay Madaxda dowladda Puntland ugu sareysa ay tageen gobalka Mudug maalinimadii Khamiistii ee todobaadkii hore, halkaasi oo ay ka wadeen shirar kala gedisan oo dhamaantoodba ay guulo ka soo baxeen. F. C. Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 16, 2009 Galakcyo, Aug 16 - Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu magacaabay guddi qaabilsan ansixinta golaha deegaanka Galkacyo. Guddiga oo ka kooban 7 xubnood oo ka tirsan xukuumada Puntland ayaa waxaa ka mid ah wasiirada amniga, arrimaha gudaha, haweenka, iyo maamul-wanaaga. Madaxda dawlada Puntland ayaa ku sugnaa Galkacyo todobaadki ... [...] Quote Share this post Link to post Share on other sites