Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI Oo Agab Ciyaareed Guddoon Siiyay kooxo ka Qaybgalay Tartan loogu magac daray murashax Cirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga WADDANI oo Agab Ciyaareed Guddoon Siiyay kooxo ka Qaybgalay Tartan loogu magac daray murashax Cirro

Hargeysa(Qaran news)-Munaasibad lagu guddoonsiinayay agab ciyaareed kooxaha ka qayb galaya tartanka bisha barakaysan ee Ramadaan oo loogu magac daray Koobka musharraxa madaxweynaha Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Xisbiga.
IMG-20240317-WA0030.jpg

IMG-20240317-WA0029.jpg

IMG-20240317-WA0028.jpg
Tartammadan oo ka qabsoomaya gobollada iyo degmooyinka dalka oo ay ka mid yihiin magaalada Hargeysa, magaalada Burco, magaalada Boorama, Magaalada Ceerigaabo, Magaalada Gabiley, magaalada Berbera iyo degmooyin kale waxa maalgeliyay xisbiga WADDANI oo dhiiri gelinaya dhallinyarada dalka ee xiiseeya ciyaaraha.

Munaasibadda waxa ka soo qayb galay Guddoomiye kuxigeenka xisbiga Marwo Milgo Sanbalooshe, Guddoomiye kuxigeenka xisbiga mudane Maxamed X Yuusuf Waabeeyo, , Xoghayaha Xisbiga Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Yuusuf Tadhase, Xoghaye ku xigeenka dhallinyarada iyo ciyaaraha Marwo Filsan Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha garabka haweenka Marwo Foosiya Kayse, Agaasimaha Xarunta Dhexe iyo agaasime kuxigeenka Mudane Siciid Xaashi iyo Mudane Khadar Xasan, Xoghayaha Arrimaha gudaha Mudane Baashe Cabdi Gaboobe, Xoghayaha Xanaanada xoolaha Dr Axmed Shukri , Xoghaye kuxigeenka Waxbarashada mudane Aftax Siciid, Xoghaye kuxigeenka Biyaha Mudane Cabdirisaaq Axmed Huuno, Xoghaye xigeenka gaadiidka Mudane Maxamed Cali, madaxda garabka dhallinyarada heer Qaran iyo heer gobol, masuuliyiinta gobolka Maroodijeex iyo masuuliyiinta degmooyinka caasimadda iyo masuuliyiin kale.

Waxaana tartankan agaasinkiisa kaalin weyn ka qaatay Agaasimaha Xarunta Dhexe iyo xoghayaha dhallinyarada iyo ciyaaraha.

Masuuliyiinta soo agaasimay tartannadan ayaa u mahad naqay Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo guud ahaan hoggaanka xisbiga kaalinta ay ka qaateen dhiiri gelinta dhallinyarada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this