Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Hay’adda ICAO oo ka wada-hadlay Arrimaha Duulista Hawada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1710590337183.jpg?resize=721%2C41

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya , Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa la kulmay hoggaanka sare ee xafiiska bariga iyo koonfurta Afrika (ESAF) ee Hay’adda duulista Adduunka ee ICAO, waxaana a6 ka wada-hadleen qorshashayaasha horumarinta u leh Soomaaliya.

Kulanka inta uu socday ayaa la boggaadiyay horumarada ay sida dhaqsada leh u gaartay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, halkaa oo sidoo kale lagu soo bandhigay warbixintii u dambeeysay ee qorsheynta iyo horumarinta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

“ Natiijada kullamadan , waa inan gaarna hiigsiga u sarreeya ee ah horumarka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed inuu noqdo mid wax u tara qarankeenna iyo guud ahaan qaaradda iyo caalamka ,” ayuu yiri Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya , waxaa kalo ay soo bandhigtay qorshaheeda dhow ee horumarinta qalabka iyo howlwadeennada oo gacan ka gaysanaya dardargelinta qorshaha guud.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Hay’adda ICAO oo ka wada-hadlay Arrimaha Duulista Hawada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this