Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamadda Hindiya Oo Gacanta Ku Dhigay 35 Budhcad Badeed Ah Oo Heysatay Markabka MV Ruen

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada badda Hindiya ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa soo badbaadiyey toddobo iyo toban shaqaale ah oo saarnaa markabka MV Ruen oo muddo saddex bilooda gacanta ugu jiray budhcad baddeeda Soomaaliya, sida aybaahiyeen ciidaamadda badda ee Hindiya.

Howlgal qaatay in ka badan afartan saacood oo gacan ka hadal ah ayaa waxaa fuliyey Markabka dagaalka ee INSSubhadra oo ay caawinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa ilaalada ee aan duuliyaha lahayn, sida ay bartooda X ee hore loo oron jiray Twiter ku sheegeen ciidamada badda Hindiya.

Tirada budhcad baddeeda ay ciidamada Hindiya ku qabteen howlgalkaas ayay ku sheegeen in ay dhan tahay soddon iyo shan nin.

Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.

Markabkaan oo lagu magacaabo MV Ruen, ayaa laga leeyahay dalka Bulgaariya balse ku gooshayey calanka dalka Malta, kaas oo burcad baddeed Soomaali ah ka soo afduubeen biyaha caalamigaa dhamadkii sanadkii 2023-kii.

Xilligii budhcad baddeedu afduubayeen markabka waxaa dhaawac gaaray mid ka mida ahaa shaqaalaha markabka saarnaa, kaas oo markii danbe ay burcadu ogolaadeen ina laga dajiyo ayna ku wareejiyeen markab dagaal oo Spain laga leeyahay oo ku sugan xeebaha Soomaaliya

Budhcad baddeed kale ayaa hadda gacanta ku haya Markab kale oo lagu magacaabo MV Abdullah uuna ka dul babanayo calanka dalka Bangaladesh.

Markabkan Abdulah ayaa ka soo ambabaxay dalka Mozambique kuna sii jeeday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxaana uu siday shixnad dhuxul ah oo dhan 55,000 oo tan, markii ay weerar ku qaadeen kooxo budhcad badeed Soomaali ah 12-kii bishan march.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this