General Duke Posted April 13, 2009 Muqdisho: Xukuumada Soomaaliya oo 50% lacagaha soo gala uqoondeysay Ciidamadeeda amaanka. 13. april 2009 Muqdisho(AllPuntland )- Sida lugu sheegay qoraalo ay heshay AllPuntland, isla markaasna lugu sheegay Miisaaniyada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee mudada nagu soo aadan, ayaa muujinaya in madaxyada ugu badan ee miisaaniyada dawladda Soomaaliya ay leeyihiin ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Lacagaha loogu talagalay ciidamada ayaa loogu magac daray dibu soo celinta ciidamadii Qaranka Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale meel hoose looga qoray qoraaladan in ay sidan usameysay xukuumadu in ay ka maaranto ciidamada Shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. Wasiir ka tirsan dawladda Soomaaliya oo qoraalkan soo gaarsiiyey AllPuntland ayaa sheegay in ay golaha Wasiiradu meelmariyeen miisaaniyadan, ayna ugudbiyeen baarlamaanka faderaalka ee Soomaaliya. Lacagtan ayaa badankeeda laga dhigayaa tababar lasiiyo ciidamada, raashinkooda iyo mushaaraadkooda, waxa ayna dawladda Soomaaliya dooneysaa in ay ciidamadeeda noqdaan kuwa wanaagsan, sida lugu sheegay qoraalka AllPuntland ay heshay. DF uma dhisna ciidamo tayo leh waxaana ciidamado u ah maleeshiyaadkii dagaalamayay mudada ku dhow 2 sanno ee ka kala socday Maxkamadihii awoodooda la wiiqay dhamaadkii 2006-dii iyo dawladdii Faderaalka ee uu hogaaminayay Madaxweynihii iscasilay Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, hadana ciidamadii dawladda Soomaaliya waxa ay ka fiican yihiin ciidamadii Maxkamadaha oo aan qaadan tababaro wanaagsan, halka ciidamo gaaraya 6000 kun oo askari oo ay leedahay dawladda Soomaaliya ay tababaro wanaagsan ku soo qaateen Itoobiya, inkastoo aysan helin cid daryeesha ama si wanaagsan umaamusha howlahooda. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites