Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhallinyarada Jufada Wasiir Saajin oo Shaaciyay inay ku Biireen WADDANI

Recommended Posts

Deeq A.   

Screenshot_20240317_002206_Chrome.jpg
Dhallinyarada Jufada Wasiir Saajin oo Shaaciyay inay ku Biireen WADDANI

Boorame(Qaran news)-Dhallinyarada beesha reer Axamed ee Jibriil Yoonis oo ah jufada musharraxa madaxweyne kuxigeenka KULMIYE ahna Wasiirka Ganacsiga, Maxamuud Xasan Sacad Saajin, ayaa sheegay inay ku biireen oo ay taageeradooda la garab taagan yihiin xisbiga WADDANI.

Dhallinyaradaasi oo maanta warbaahinta kula hadlay Boorame, waxa ay u mahadceliyeen Guddomiyaha WADDANI ee gobolka Awdal oo ay sheegeen inuu si milgo leh ugu soo dhaweeyay xisbigaasi oo ay u arkaan rejada shacabka Somaliland.

Waxa kaloo dhallinyaradaasi oo u badan aqoonyahada jufada Wasiir Saajin ay ku eedeeyeen xisbiga KULMIYE inuu farogelin ku hayo saldannada guud ee beelaha Makaahiil.

Waxana ay sheegeen inay Suldaanka guud ee beelaha Makaahiil u aqoonsan yihiin Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ay tilmaameen in KULMIYE ka hoos samaynayo suldaan aan jirin.

Waxa dhallinyaradaasi ay ugu baaqeen xisbulxaakimka KULMIYE inay shacbiga Awdal ka daayaan kala qaybinta iyo khilaaf gelinta madaxda dhaqanka ee beelaha Makaahiil.

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobolka Awdal ayaa sheegay inuu si qalbi furan oo jacayl ka muuqdo uu u soo dhaweynayo dhallinyarada iyo bulshada Awdal oo uu xusay inay si aan kala hadh lahayn cuddudooda ugu biirinayaan xisbiga WADDANI.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this