Sign in to follow this  
Deeq A.

Macluumaad laga soo bandhigay Kulan qarsoodi ah oo ay yeesheen Maraykanka iyo Iran

Recommended Posts

Deeq A.   
istockphoto-1016848028-612x612-1.jpg?res

Wargeyska New York Times, ayaa soo bandhigay macluumaad dheeraad ah oo la xiriira kulan qarsoodi ah oo dalka Cumaan ay ku yeesheen Mareykanka iyo Iran.

Kulanka wuxuu 10 bishii Jannaayo ka dhacay Muscat; waxaa ka socday dhinaca Iran Ali Bagheri Kani, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, ahna madaxa wada xaajoodka Nukliyeerka, halka Mareykanka uu kulankaa ku matalayay Brett McGurk, oo ah isku duwaha Madaxweynaha Biden ee Bariga Dhexe.

Mareykanka wuxuu kulanka ku soo bandhigay saddex qodob; Iran inay saameynteeda ku joojiso weerarrada badda cas ee Xuutiyiinta ay ka gaysanayaan, joojinta weerarrada saldhigyada Mareykanka bariga dhexe ee  kooxaha ay taageerto Iran iyo walaaca Mareykanka ee ah inay Iran ku dhaqaaqdo dhammeystirka barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Iran ayaa sida u wargayska sheegay iyadana waxay miiska saartay in loo baahanyahay xabbad-joojin ka dhacda Qasa, oo fure u noqon karta kooxaha iska caabinta inay joojiyaan weerarrada.

Kulanka kaddib, waxaa la arkay inuu Mareykanka dib u cusboonaysiiyay qafiifinta cunaqabateyntii saarnayd Iran, taa oo markiiba u sahashay inay Iran hesho $10 bilyan oo uga imaanaysa korontada ay siiso Ciraaq , tana waxaa loo qaatay inay waddada u furayso waddada diblomaasiyadda ee ay ku wadahadlayaan labada dhinac inay sii socoto.

PUNTLAND POST

The post Macluumaad laga soo bandhigay Kulan qarsoodi ah oo ay yeesheen Maraykanka iyo Iran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this