Sign in to follow this  
Deeq A.

Diblomaasiga Tibor Nagy oo Shaaciyay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya Faa’iido u Yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Diblomaasiga Tibor Nagy oo Shaaciyay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya Faa’iido u Yahay

IMG-20240315-WA0007.jpg
Diblomaasiga Maraykanka Tibor Nagy, ayaa sheegay in heshiiska is afgarad ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya uu waxtar u leeyahay mandaqada Geeska Afrika oo dhan, Masar iyo badda cas.

Tibor Nagy wuxuu intaas ku daray in dalalka badan ee heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ka shakisani ay la marin habaabiyay. Waxaanu tilmaamay in heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland uu dhigayo in Somaliland saldhig millateri oo badda ah ay ka kirayso Itoobiya, iyadoo Somalilandna ku beddelanayso in Itoobiya aqoonsato madaxbannaanida JSL.

Tibor Nagy wuxuu ku dooday in xog khaldan iyo macluumaad marin habaabin ah ay ku sallaysan tahay dooda Soomaaliya iyo Masar ee ka soo horjeeda iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya.

Tibor Nagy warbixin uu ku qoray warbaahinta caalamiga ah, wuxuu ka warramay farqiga iyo sooyaalka taariikheed ee ay soo mareen Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana midowgii uu masiibo, burbur iyo xasuuq u horseeday Somaliland.

Waxa kaloo uu ifiimiyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay markii ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda 1991kii ay gaadhay dawladnimo shaqeynaysa iyo dimuqraadiyad leh furfurnaansho weyn oo ku sallaysan doorashooyin ku dhisan qof iyo cod.

Waxaanu tilmaamay in heshiiska Somaliland ay la saxeexatay Itoobiya uu kor u qaadayo ganacsiga iyo dhaqaalaha Somaliland.

Mr. Tibor Nagy wuxuu caddeeyay in Soomaaliya oo Maraykanku geliyay boqolaal bilyan oo doolar ay saldhigi weyday dawladnimadeedu.

Wuxuu intaas ku daray in wefti xaqiiqo raadin ah oo Midowga Afrika u diray Somaliland sannadkii 2005tii ay xaqiijiyeen inay Somaliland u qalanto in la ictiraafo isla markaana ay waafaqsan tahay xudduudihii uu ka tagay gumaysuhu oo ah waxa ay ku dhisan yihiin soohdimaha Afrika.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this