Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arimaha Dibada Oo ka Hadlay Isbeddel lagu soo Kordhinayo Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Hadlay Isbeddel lagu soo Kordhinayo Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Hargeysa(Qaran news)- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee JSL Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa sheegay inuu hirgeli doono heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen 1dii bishii January ee sannadkan.

Wasiir Ciise Keyd oo Faransiiska ugu warramay warbashinta ayaa sheegay in dhawaan wax ka beddel lagu samayn doono isafgaradkii labada dal wada gaadheen.

“Waxa isafgaradka ku qornaa in heshiisku Somaliland iyo Itoobiya oo ahaa konton sannadood muddadaas wax baa laga beddelayaa. Sidoo kale waxa wax laga beddelayaa qaabka Itoobiya ay ky bixinayso kirada saldhiga millatari oo markii hore ahayd in saami la innaga siiyo shirkadda diyaaradaha Itoobiya,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland.

Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale heshiiska rasmiga ah lagu soo dari doono in Itoobiya Boqolkiiba 30 badeecadaha ay Jabuuti kala soo degi jirtay u weeciso dhinaca dekedda Berbera ee Somaliland.

Wasiir Ciise Keyd wuxuu sheegay haddii aanay Itoobiya isla markaba aqoonsan Somaliland in aanu heshiisku hirgeli doonin oo ay Xukuumadda Somaliland ka noqon doonto.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in guddidii farsamo ee uu u magacaabay dhammaystirka heshiiska macluumaadka ay soo diyaariyaan ay ka daba eegi doonaan guddi kale oo qaabilsan dhinaca siyaasaddu.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this