Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda oo dacwad la xidhiidha Aqoonsiga Somaliland Horgaynaysa Maxkamadda Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda oo Dacwad la xidhiidha Aqoonsiga Somaliland Horgaynaysa Maxkamadda Adduunka

Baariis(Qaran news):-Xukuumadda Somaliland ayaa Maxkamadda Adduunka horgeynaysa dacwad sharci oo la xidhiidha Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo in muddo ah halgan ugu jirtay sidii ay u heli lahayd.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo ku sugan dalka Faransiiska ayaa ka hadlay qadiyada Somaliland iyo juhdiga loogu jiro sidii uu Qarankani mar uun u heli lahaa Aqoonsiga iyo madax bannaanida uu xaqa u leeyahay.
Wasiir Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in ay ka Xukuumadda ahaan ay qabsadeen Sharci yaqaano caalami ah kuwaas oo maxkamadda adduunka horteeda ka difaaci doona doodda sharci ee qadiyada Ictiraafka Somaliland iyo sidii uu dalkani adduunwaynaha uga heli lahaa aqoonsi buuxa.
Wasiirka ayaa sheegay in sharci yaqaanada caalamiga ahi ay dhammeeyeen doodda sharci ee Somaliland isla markaana ay horgeyn doonaan maxkamadda Adduunka iyo meel kasta oo looga baahdo.
Wariiska Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo ka hadlay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay inuu faa’iido wayn u leeyahay Somaliland, kaas oo uu sheegay inuu doodda sharci ee Somaliland kaabis u noqonayo kana turjumayo doodda siyaasadeed ee Somaliland.

Ugu danbayn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo maalmihii u danbeeyay safar shaqo ku joogay dalka Faransiiska ayaa kulamo kala duwan la qaatay dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, kuwaasi oo ay ita badan ka wada hadleen xidhiidhka Somaliland iyo Faransiiska iyo sidii loo xoojin lahaa, sidoo kale wasiirka ayaa la kulmay bulshada reer Somaliland eek u nool dalka Faransiiska, kuwaasi oo uu wasiirku ku booriyay inay ka qayb qaataan sidii looga *****n lahaa gaadhista halka loo socdo oo ah in dalkan la aqoonsado.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this