Deeq A. Posted March 15, 2024 Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa weerar ku bilowday qaraxyo oo xalay lagu qaaday Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho. Rag hubaysan oo ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab ayaa sida la sheegay gudaha u galay hotelka qaraxa kadib islamarkaana weli ka dhex dagaallamaya. Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, xildhibaanno iyo xubo kale. Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi ku bilowday qaraxa ee lagu Hoteel SYL oo wax yar u jira xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia. Dhinaca kale Laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax warbixin ah kama soo saarin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee Qaraxii Hoteel SYl ee Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites