Sign in to follow this  
Deeq A.

Burcad Markab ku afduubtay Xeebaha Soomaaliya oo dalbaday 5 milyan oo Madax-furasho ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1710478063478.jpg?resize=720%2C54

Markabka MV Abdullah, oo ay labo maalin ka hor afduubeen koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa soo gaaray xeebaha gobolka Mudug. 

Burcadda ayaa la sheegay in ay ka dalbadeen qolyaha markabka iska leh ee KSRM lacag madax furasho ah oo 5 milyan oo dollar ah oo ay ku soo deynayaan markabka iyo 23 shaqaale ah oo saaran, haddii kalana waxay ku hanjabeen in ay dili doonaan qof kasta oo markabka saaran.

Markabka wuxuu sidaa 50,000 oo tan oo dhuxul ah oo uu ka soo qaaday Maputo, Mozambique, wuxuuna ku socday Al Hamriyah ee Imaaraadka Carabta.

Ilaa 25 nin oo hubaysan ayaa horey markabkan oo laga leeyahay Bangaladesh uga soo afduubay biyaha caalamiga ah ee badweynta Hindiya , balse hadda waxaa lagu warramaya in ka badan 10 nin oo horleh oo hubaysan in ay ka fuuleen xeebaha gobolka Mudug.

Xukuumadda Puntland ayaa dhankeeda ciidan gaysay Garacad iyo degaannada kale ee ku teedsan badda Hindiya, si ay isugu dayaan in ay uga hortagaan dhaqdhaqaaqa ka socda degaannada iyo markabka in uu ku soo xirto xeebaha Puntland.

PUNTLAND POST

The post Burcad Markab ku afduubtay Xeebaha Soomaaliya oo dalbaday 5 milyan oo Madax-furasho ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this