Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar ku bilaabmay qaraxyo culus oo lagu qaaday hotel ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar ku bilaabmay qaraxyo culus oo lagu qaaday hotel ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya

Muqdisho- Weerar culus oo isugu jira qarax ismiidaamin ah iyo weerar toos ah, ayaa lagu qaaday hotelka SYL oo ku dhow xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho goor dhoweyd.
Weerarka oo ku bilaabmay qarax culus oo loo adeegsaday gaadhi aaladaha qarxa lagu soo raray lagu beegsaday Hotel SYL oo ah mid ammaankiisa si weyn loo ilaaliyo, isla markaana ku kulmaan madaxda dawladda Soomaaliya.
Qaraxa kadib waxa gudaha hoteelka ka bilaabmay rasaas xooggan oo ilaa hadda socota.
Wararka hordhaca ah ayaa tibaaxay in ay qaraxyada ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac aan tiradooda la xaqiijin oo ay ku jiraan masuuliyiin dawladeed, maadaama ay ilaa hadda hoteelka gudihiisa dagaal toos ah ka socdo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this