guraad Posted December 22, 2003 Waxaa taariikhdu markay ahayd 21/12/03 lagaga dhawaaqay Baarlamaanka dowlada isu sheegta Soomaliland inay weerar ku qaadaan gobolada Sool iyo Sanaag si ay xoog ugu qabsadaan. Go,aankan oo aad la isugu khilaafay oo in ku dhow 30 mudane ay xanaaq uga baxday goobtii shirku ka socday ayaa waxaa gudoomniyay Axmed Aadan Qaybe . Waxaa beesha Sool iyo Sanaag fajicisu ku noqotay in ay Beeli Beel kale ku soo duusho iyadoo wax la aqoonsan yahay oo Dowladiba aysan Jirin. Marar aan wax ka waydiinay shacabka reer Uk ee ka yimi goboladaas ayaa waxay sheegeen in aysan marna ogolaan doonin in reer kale dhulkooda qabsado Soomaaliyana uu Qabiil qaabiil tahay reer walbana uu meeshiisa ku ekaado. Hadii taa lawaayona nin walba reerkiisa waa difaacayaa ayay hadalkii ku soo gaabsheen. Widhwidh Monitoring Group, London www.widhwidh.com Quote Share this post Link to post Share on other sites