General Duke Posted October 29, 2004 Wasiirkuxigeenka Difaaca Somaliland Oo Beeniyey Sawirada Lagu Baahiyey Websiteyada Puntland Inay Yihiin Ciidan Laga Qabtay SL Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 29 October, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- Wasiirkuxigeenka Difaaca Somaliland, mudane Maxamed Cali Maydhax ayaa ku tilmaamay been iyo borobogaandho 23 askari oo magacyadooda iyo sawirro lagu baahiyey website-yada Puntland, kuwaas oo ay sheegeen in laga qabtay ciidamada Somaliland dagaalkii maanta. Wasiirkuxigeenka oo caawa u warramay Telefishanka madaxa bannaan ee Somaliland Tv waxa uu sheegay in raggaasi ay ka dhigayaan inay ciidanka Somaliland ka qabteen ay yihiin maleeshiyo dhowaan laga qarameeyey beesha Yagoori, kuwaas oo uu sheegay in 25 ka mid ahi ay mid mid iyo laba laba ugu tallaabeen dhinaca Laascaanood. “Ninka Maydkiisii iyo dhaawiciisii guran kari waayey ee dhaawac kale qabsanayaa muxuu ahaa? Marka waa borobogaandho ay wadaan oo ay Internetka geliyeen iyadoo aan dagaalkiiba dhammaanin,â€ayuu yidhi mudane Maydhax. Waxana uu sheegay in ay tahay been cad oo aanay waxba ka jirin. Wasiirka, mudane Maydhax, waxa uu sheegay in khasaaraha ciidanka Somaliland ka soo gaadhey dagaalkaasi uu yahay Shan nin oo dhimasho ah iyo Shan dhaawac ah. Waxana uu qiray in uu geeryoodey taliyihii Ciidanka, oo la odhan jirey Xaaxi, kaas oo uu sheegay in uu u dhintay xabbad gacanta kaga dhacday weerarkii subaxnimadii hore, isla markaana uu dagaalamayey ilaa maanta isaga oo u haystey in dhaawiciisu fudud yahay. Waxa kale oo uu sheegay in ciidanka qaranku ay gacanta ku dhigeen 25 maxaabiis ah, kuwaas oo uu sheegay in 22 ka mid ah dhaawac iyo nolol lagu soo qabtay, halka saddex kale oo ay ku jiraan laba nin oo saraakiil ah oo mid yahay taliyihii aagga ciidanka Puntland iyagana meyd lagu soo qaaday. Mudane Maydhax waxa uu sheegay in dagaalku aanu ahayn weerar gaadmo ah, balse ciidanku uu la socdey is-abaabul ay wadeen maleeshiyada Puntland, ciidanka Somalilandna uu heegan buuxa ku jirey. Waxa kale oo uu sheegay in ciidanku ay hore ugu sii socon doonaan dagaal, dibna aanay u soo noqonayn. Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 29, 2004 Magacyada Maxaabiistii Ciidamada Somaliland Ku Soo Qabteen Dagaalkii Maanta Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 29 October, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- Magacyada 13 maxaabiis ah oo ay ciidamada Somaliland kaga qabteen kuwa Puntland dagaalkii maanta ay iskaga horyimaaddeen jiidda Tuulada Adhicaddeeye ee gobolka Sool ayaa saxaafaddu heshay caawa, kadib markii maxaabiistaas la keenay magaalada Burco. http://www.somaliland.org/ns.asp?ID=04102906 Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 29, 2004 ^^^^^^^^^^^^^^ Somaliland's version of events dont add up when you hear the interview taken of the POWS, in which they all admit to being proud Somaliland soldiers giving their name and what happened. So to say there are no prisoners after the pictures and the audio seems a tad bit crazy. http://www.radiolaascaanood.com/maqal2004/maxaabiista.ram Quote Share this post Link to post Share on other sites