Deeq A. Posted March 14, 2024 Wasiirka Deegaanka oo la Kulantay Wefti ka socday Denmark Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada JSL Marwo Shukri X. Ismciila banddare oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Deegaanka mudane Mohamed Abdulahi Ducaale ayaa Qaabikay Wefti Ka Socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Denmarka, gaar ahaan Xafiiskeeda DANIDA khuburo u qaabilsan arrimaha mashaariicda Deegaanka iyo Isbdelka Cimilada. Wasiirka Iyo Agaasimaha guud ayaa Weftigan Warbixin balaadhan ka siiyey Hawla ay qabato Wasaardda Deegaanku Iyo Qorshayaasheeda. Waxay Weftigan u sheegen in Wasaarddani Qaranka u qaabilsantahay Ilaalinta deegaanka iyo Duurjoogta, iyagoo xusay in Sanadahan danbe ay Wasaaraddu ku Hawlaneed Sidii Shacabka looga Dhaadhicin lahaa Dhibaatada Isbedelka Cimilada, Dadkuna ula qabsan lahaayeen. Dhankooda Weftigu waxay Wasiirka iyo Agaasimaha uga Mahadnaqeen Warbixinta waafiga ah ee ay siiyeen, waxaanay dhankooda soo dhaweeyeen inay Wasaaradda Kala shaqeyn Doonaan dhinacyo badan oo khuseeya ilaalinta Deegaanka. Waxaana lagu balamay kulamo kale oo lagu dardargelinayaa Wadashaqeynta Wasaaradda iyo Dawlada Denmark. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites