Jacaylbaro Posted November 17, 2008 Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Imaamyada Masaajidada Hargeysa oo Maanta Shirka ka yeeshay Adkaynta Nabadgelyada Dalka SDWO (Hargeisa 17/10/08) Wasiiro ka mid ah Golaha xukuumadda Somaliland, ayaa shir ballaadhan la yeeshay in ka badan saddex boqol oo ka mid ah culimada imaamyada ka ah masaajidada magaalada Hargeysa. Kulankaas oo maanta ka dhacay hoolka shirarka ee guriga shaqaalaha dawladda, waxa uu dabasocday shirar isdaba joog ah oo beryahanba xukuumaddu la yeelaynaysay qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ujeedadoodu ahayd sidii looga wadashaqayn lahaa adkaynta nabadgelyada iyo in la sameeyo habab dadweynuhu arrintaa kala shaqeeyo dawladda. Waxaana shirkaa imaamyada masaajidada la isugu yeedhay ka qaybgalay wasiiradda Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamuud Suufi Muxumed iyo Arrimaha Dibadda Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiir-duwlaha Arrimaha Gudaha Md. Xasan Axmed Ducaale, Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Md. Cali Cilmi Geelle iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamuud Suufi Muxumed oo kulankaas furay, ayaa sheegay in culimadu imaamyada masaajida ka ahi ay yihiin kuwa dadka ugu qiimaha badan, maadaama ay joogaan guryihii Ilaahay ee ugu qiimaha badnaa, balse wax laga xumaado ay tahay in wixii dhacay lala xidhiidhiyo culimada. Isaga oo arrimahaa ka hadlayey waxa uu yidhi; “Culimooy, imaamyada masaajidow idinku waxaad ummadda u haysaan xilkii ugu weynaa, waxaanad joogtaan meelihii dalka ugu qiimaha badnaa oo ah beytulaahi. Sidaa daraadeed waa in aad ogaataan in la idinku aaminay cibaadadii ugu weynayd cibaadooyinka. Haddaba markaynu eegno dhacdadii inagu dhacday ee aynu sababteeda isugu nimi, waxaynu u baahanahay sida nabadgelyadeenu u wanaagsanaan lahayd, mar haddii diinteenu diin nabadgelyo tahay, idinkuna culimadii ummadda ee diinta loo aaminay in aynu taa wax iska weydiino weeye kulankeenani. Arrintii dhacday in farta lagu godo xaggii diinta iyo dadkii ehlu diinka ahaa dhinacoodii diinta nusqaan weyn bay ku tahay waxaana arrintan sabab u noqday dad isku shabbahaya, laakiin dad ehelu diin ah oo diinta si toos ah u haystaa waxaasi kama suuroobaan.” Wasiirku waxa uu sheegay in shanta degmo ee magaalada Hargeysa ka kooban tahay mid kasta masaajidada ka dhisan iyo xaafaddaba laga samayn doono gudiyo ammaanka kala shaqeeya dawladda. “Waxa loo baahan yahay in imaam kastaa masaajidka uu joogo xilkiisa uu qaado xag diineed, xag nabadgelyo iyo xag kastaba, waxaana shanta degmo ee magaalada Hargeysa ka kooban tahay mid kasta la samayn doonaa inta masaajid ee ka dhisani intay isku tagaan gudi soo sameeyaan, gudigaas oo hoosiman doonta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, sidaana nidaamka nabadgelyada lagula socdo,” ayuu yidhi Sh. Maxamuud Suufi. Waxa kale oo Wasiirku ugu baaqay culimada imaamyada ka ah masaajidadu inay aqoontooda diimeed kor u qaadaan, si wixii diinta iyo cibaadaba ka khaldama ay u sixi karaan, maadaama ay iyagu qaadeen masuuliyad weyn, isaga oo tilmaamay in imaamyada masaajidada lagula xisaabtami doono wixii ka yimaada masaajidooda. Wasiirul dawlaha wasaarada arrimaha gudaha Md. Xasan Axmed Ducaale (Macalin) oo shirka ka hadlay ayaa culimada dalka kula dardaarmay inay nabadgelyada dhinacooda ka ilaaliyaan, waxaanu yidhi "Waxaan idinku boorinayaa inaad wax u sheegteen dhalinyarada diinta sida qaloocan u gashay ee aqoon la'aantu diinta ka hayso, bogcada yar ee Somaliland ayaa Soomaali oo dhan ka nabad qabta, horumar ayaynu hiigsanaynay oo nabadgelyada meel ayaynu iskaga tiirinay ayaynu isla hayn oo horumar ayaynu hiigsanaynay, waxase muuqata in rag ka bu'ayaan, fikir qaloocdana ka diinta ayaa u xun, waa nasiib darro in la yidhaahdo nabadgelyada dadka wax u dhimayaa waxay ka soo dhex baxeen culimo". Wasiirul dawluhu waxa uu culimada ugu baaqay inay masaajidada lagaga hadlo mawduucyo diini ah isla markaana culuumta Islaamka la baro dhalinyarada. "Masaajidadu ha noqdaan meel khayrka iyo waxa wanaagsan laga soo abaabulo," ayuu yidhi Md. Xasan Macalin. Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo isna kulankaa kala hadlay culimada, ayaa sheegay in culimadu ilaa intii Somaliland lagu dhawaaqay kaalin weyn ka qaadatay horumarka dalka iyo ilaalinta nabadgelyadaba, gaar ahaana ay ka qaybqaateen dejinta dagaaladii sokeeye ee beelaha Somaliland dhexmaray. “Wax weyn baa inaga galay waxan aynu ku fadhino inaga oo doonaynay nabadgelyo iyo in dhisme qaran la sameeyo, Ilaahay mahadiina maanta meel wanaagsan baynu joognaa, laakiin intaaba waxa socotay rag meel ka soo bu’aya oo leh ma jirayso mana dhismi doonto ee waanu burburin doonaa oo aan mar iyo laba toona ahayn, tallaabooyinkan dambe ee la qaadayna wixii horeba saleelo ayey ahayde waa mid aan tudhaaleba lahayn oo ahayd qarankan iyo wixii ku abtirsanayaba mar hala waayo,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu waxaannu intaa raaciyey, “Somaliland aad bay u nasiib badan tahay, waayo cidnaba dulmi kamay gelin, waxa aynu wadnaana waxa weeye in dalkani dhismo oo uu noqdo mid nabadgelyo shacbigiisuna horumaro. Markaa waxaynu doonaynaa in aynu midnimo ku wadashaqayno, baadhis baana socota, laakiin arrintu maaha wadaadow wadaad ma tahay ee baadhis baa socota wixii ka soo baxaana ciday gasho cid ka hortagaysaa ma jirto.” Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Cali Cilmi Geelle iyo Sh. Ismaaciil Xasan Faarax oo ka hadlay sida arrintani aanay diinta shaqo ugu lahayn iyo in loo baahan yahay si wada jir ah looga shaqeeyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites