General Duke Posted December 13, 2006 ''Midowga Europe ma ogola ciidamo shisheeye in Somaliya la geeyo xiligan''Prof.Cadow (Muqdisho)-Golaha Maxkamadaha Islaamka magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Midowga Europe uu ku raacsan yahay ciidamo shisheeye aan haatan aan la keenin dalka Soomaaliya,kadib markii kulan shalay ay Muqdisho kula yeesheen xubno ka socday EU-da ay kaga wada hadleen arrimaha ciidamo keenista Somaliya. Masuulka xiriirada Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islamaka Prof.Cadow oo ka hadlay arrimahaasi ayaa sheegay Midowga Europe uusan ku qanacsaneyn siyaasada dowladda Mareykanka ee ku wajahan dalka Soomaaliya,isagoo intaasi ku daray in ay u ballan qaadeen taageero dhinacyo badan leh. Prof.Cadow waxaa uu xusay in kulanka ay la qaateen xubnaha ka socday Midowga Europe ay kasoo baxeen natoojiyoon wax ku ool ah,oo uuku tilmaamay mid rajo u ah shacbiga Somaliyeed ee dhibaatooyinka iyo dagaalada ay daashadeen mudada fara badan waa sida uu hadalka u yiriye. Waxaa kale oo uu sheegay Cadow in kulankii ay la yeesheen Midowga Europe xubnihii ka socday in sidoo kale lagu soo qaaday arrimaha wadahadalka Dowladda iyo Maxaakimta oo u muuqda mid sii daciifaya tan iyo wixi ka danbeeyay go'aankii Golaha uu ku qaaday xayiraadda hubka Soomaaliya. Jibriil Nuur Waayaha.net,Muqdisho,Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 13, 2006 ^^^The EU has members int he security council, so why did they support the decesion a week ago? Talk about delusions. Quote Share this post Link to post Share on other sites