Cowke Posted June 29, 2010 Jaaliyadda Australia oo Sagootisay Wasiirka Maaliyadda Puntland (SAWIRO) 29. jun 2010 Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, mudane Faarax Cali Shire oo maal mahan ku joogey booqasho shaqo Dalka Australia ayaa wuxuu ka qayb galay shirar kala duwan oo daba joog ah oo uu la yeelanayay, Madaxda kala duwan ee Dowlada Australia iyo wax garadka, aqoon yahanada, Haweenka iyo Culumada reer Puntland. Waxaa xusid mudan in Wasiirka maaliadda Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Faarax Cali Shire iyo Gudoomiyaha Australia Puntland Diaspora Forum; mudane Cumar Maxamuud Faarax Dhoolawaa iyo Gudoomiyaha Soomali Cummunity of Victoria Cabdirahmaan Jaamac Cusmaan RAAS ay shir muhiim u ah shalay gelinkii hore laqaateen Safiirka Dowlada federalka ee Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesia Danjire Maxamud Colow Barow oo u yimid dalkaan Australia inuu ka qayb qaato Dabaaldeg weyn oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Melbourne ay u samyn doonto bisha 1da July oo ku aadan sanad guuradii 50aad ee Xoriyada Umadda Soomaaliyeed. Shirkaas waxaa looga wada hadlay arimo muhiim u ah Dowlada Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Mudane Faarax Cali shire oo maanta kasoo dhoofay dalka Australia ayaa waxaa sidoo kale xalay fiidkii casho sharaf sagootin ah usameeyay Ganacsatada iyo aqoon yahanka reer Puntland ee magaalada Melbourne. Shirkaas waxaa looga wada hadlay horumarka dowlada Puntland. Casho sharafkan sagootinta Wasiirka oo ay soo qaban qaabisay xubno kamid ah gudiga fulinta ee Ururka Qurbo Joogta Puntland ee Australia mudane Siciid shiinle iyo Ganacsade Yasiin Maxamed Faarax Diihaal. Shirwac M. Jaamac Melbourne, Australia Quote Share this post Link to post Share on other sites