Sign in to follow this  
Cowke

Australia Diaspora Farewell Puntland Finance Minister. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Jaaliyadda Australia oo Sagootisay Wasiirka Maaliyadda Puntland (SAWIRO)

 

29. jun 2010

 

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, mudane Faarax Cali Shire oo maal mahan ku joogey booqasho shaqo Dalka Australia ayaa wuxuu ka qayb galay shirar kala duwan oo daba joog ah oo uu la yeelanayay, Madaxda kala duwan ee Dowlada Australia iyo wax garadka, aqoon yahanada, Haweenka iyo Culumada reer Puntland.

 

Waxaa xusid mudan in Wasiirka maaliadda Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Faarax Cali Shire iyo Gudoomiyaha Australia Puntland Diaspora Forum; mudane Cumar Maxamuud Faarax Dhoolawaa iyo Gudoomiyaha Soomali Cummunity of Victoria Cabdirahmaan Jaamac Cusmaan RAAS ay shir muhiim u ah shalay gelinkii hore laqaateen Safiirka Dowlada federalka ee Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesia Danjire Maxamud Colow Barow oo u yimid dalkaan Australia inuu ka qayb qaato Dabaaldeg weyn oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Melbourne ay u samyn doonto bisha 1da July oo ku aadan sanad guuradii 50aad ee Xoriyada Umadda Soomaaliyeed.

 

Shirkaas waxaa looga wada hadlay arimo muhiim u ah Dowlada Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Mudane Faarax Cali shire oo maanta kasoo dhoofay dalka Australia ayaa waxaa sidoo kale xalay fiidkii casho sharaf sagootin ah usameeyay Ganacsatada iyo aqoon yahanka reer Puntland ee magaalada Melbourne. Shirkaas waxaa looga wada hadlay horumarka dowlada Puntland.

 

Casho sharafkan sagootinta Wasiirka oo ay soo qaban qaabisay xubno kamid ah gudiga fulinta ee Ururka Qurbo Joogta Puntland ee Australia mudane Siciid shiinle iyo Ganacsade Yasiin Maxamed Faarax Diihaal.

 

Shirwac M. Jaamac

Melbourne, Australia

 

 

SAGOOTIN_FARAX3.JPG

 

SAGOOTIN_FARAX2.JPG

 

SAGOOTIN_FARAX1.JPG

 

WOwGkO1dgawambassador_colow.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this