Sign in to follow this  
General Duke

Xasan Dahir [Ninka mooday in kooffiyadiisa ay diin ku hoos jirto]-

Recommended Posts

Xassan Daahir Aways oo ku baaqay dagaalo dheeraad ah

 

September 1, 20100 comments|

Guddomiyaha kooxda Xisbul Islaam Xassan Daahir Aweys oo shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in lasii wado “..Xabada..”, asagoo ugu baaqay dowlada Federaalka Soomaaliya inay xilka ka degto.

 

Wuxuu hadalkan kasoo baxay Xassan Daahir Aweys uu jawaab u ahaa baaq u horey usoo saaray Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo uu kaga hadlayey dagaalada kasii socda Muqdisho, isla markaana uu beesha caalamka taageero dheeraad ah kaga codsaday sidii dalka Somaaliya looga qaban lahaa kooxaha hubeysan ee amniga caqabada ku ah.

 

Aweys ayaa ku baaqay in Dowlada ay xilka ka degto oo ay ummada dhibka ka daayaan, waa siduu hadalka u dhigayee.

 

Wuxuu sidoo kale hogaamiyahan Xisbulislaam ku baaqay in ciidamada AMISOM ay isaga baxaan dalka Soomaaliya. Wuxuuna ku hanjabay in ay dhibaato u geysan doonaan ciidamada AMISOM hadaysan ka bixin Muqdisho.

 

Wuxu sheegay Aweys in taageerada ay Caalamka siinayaan Dowlada Federaalka ay joojiyaan, asagoo ku tilmaamay taageeradaasi lugooyo ummada Soomaliya lid ku ah.

 

“….Xabada si sharci ah bay ku socotaa….” ayuu yiri Aweys asagoo ka hadlaya dagaalada Muqdisho, asagoo meesha ka saaray wax wadahadal ah oo ay la galaan dowlada.

 

“… Mujaahidiinta waxaan u sheegaynaa in dagaalka uu wax yar ka dhiman yahay oo ay u adkeystaan waxaana ku baaqayaa inay sii xoojiyaan dagaalka….” ayuu yiri Xassan Daahir Aweys oo ku baaqay in dagaalo dheeraad ah lala beegsado Dowlada Soomaaliya.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
dhaawacMuqdisho-300x225.jpg“….Xabada si sharci ah bay ku socotaa….” ayuu yiri Aweys asagoo ka hadlaya dagaalada Muqdisho, asagoo meesha ka saaray wax wadahadal ah oo ay la galaan dowlada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this