Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox Burcad Badeed Soomaali oo Afduub Ku Heysata Markab iyo in ka badan 20 Ruux oo u Dhashay Bangladesh

Recommended Posts

Deeq A.   

Burcad badeed Soomaali ah ayaa markab laga leeyahay dalka Bangladesh ku afduubtay xeebaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay Ambrey oo ah Hay’adda la socota dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo ammaanka badda lagana leeyahay dalka Britain.

Sidoo kale Hay’adda la socodka Howgalada Ganacsi ee Badda ee dalka Ingiriiska (UKMTO) ayaa iyadana sheegtay in gacan ku haynta markabka lagula wareegay meel dhanka bari kaga beegan Muqdisho 600 oo Nautical Mile oo dhiganta 1,111 KM, hey’adda ayaa sheegtay in Markabkaan ay saarnaayeen 20 ruux.

Warbaahinta Bangladesh ayaana sheegtay in ay saaraayeen 23 qof oo dhammaantood u dhashay dalka Bangladesh, Maamulaha shirkadda oo u waramay warbaahinta gudaha dalkaas ayaa sheegay in xiriir uu ka helay kabtanka markabka, laakiin arrintaan ayaa imaanaysa xilli burcaddu ay soo rogaalcelisay badda.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in ay isku dayayaan sidii ay ku soo badbaadin lahaayeen shaqaalaha iyo markabkaba, iyaga oo sheegay in ay khibradd fiican u leeyihiin sida looga hortago dhacdooyinka nuucaan oo kala ah, afduubkaan ayaa imaanaya xilli xeebaha Soomaaliya ay joogaan Maraakiib dagaal.

Buracadda Soomaaliya ayaa dib u soo celiyay xilli dhowaan dowladda Soomaaliya ay heshiis dhanka difaaca badda ay la gashay dowladda Turkiga, waxaana lagu wadaa in asbuucyada soo aadan ay soo gaaraan badaha Soomaaliya Maraakiibta dagaalka Turkiga, kuwaas oo fulinaya heshiiska ilaalinta badda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this