General Duke Posted June 2, 2009 Madaxweynaha DGPL oo Xariga ka jiray jid loo sameeyay Dhismayaasha Cusub... Madaxweynaha DGPL Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole xariga uga jaray munaasabad balaaran oo lagu furayay jidka jidka xarumaha cusub ee DGPL oo haatanba la dhisay haatana ayku shaqeyneysoba wasaarada caafimaadka DGPL . Jidkan maanta uu madaxweynaha ka jaray xariga ayaa waxaa sida la sheegay ku baxday 27kun o doolar waxaana dhistay Shirkad si gaar ah loo leeyahay oo lagu magacaabo Keysh ilamarkaana ay taageero dhinaca fanka ah ka heleyso Hay’ada lagu magacaabo Nesho oo maamul goboleedka u qaabilsan dhanka jidadaka . Mu naasabadan oo aheyd mid aad loos o agaasimay ayaa waxaa goob jog ahaa inta badna golaha xukuumada madaxweyne Faroole, Isimo iyo Masuuliyiin ka socotay Hay’ada Nasha . Masuuliiyiin badna oo halkaasi ka hadlay ayaa dadka ugu baaqay in ay iskaashi sameeyaan islamarkaana ay wax isku qabsadaan cidkalena aysan ka sugin waxba . Gabagabadii halkaasi waxaa ka hadlay madaxweynaha DGPL waxaana madaxweynaha uu tilmaamay in in Ahmiyada ay wadadaani leedahay tahay in la iskaashado, iasagoo u mahad celiyay shirkada fulisay . C/naasir Yaasiin Salaad SBC International- Garowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 4, 2009 M/weyne Faroole oo xariga ka jaray jid isku xiri doona xarumaha wasaaradaha dawlada iyo caasimada Garowe. Garowe, June 02 | M/weynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta xariga ka jaray jid isku xiri doona xarumaha wasaaradaha xukuumada Puntland ee dhismahoodu ka socdo duleedka caasimada Puntland ee Garowe. Dhismaha jidka cusub oo lagu bilaabay xarunta wasaarada caafimaadka Puntland ayaa qorshuhu yahay in ay isku xirto xarumaha wasaaradaha, sidoo kalena ay ku xirto xaafadaha iyo wadooyinka kale ee magaalada. M/weyne Faroole oo ka hadlay awooda dawlada Puntland ayaa sheegay in walow aanay dawladu awood u lahayn hirgelinta mashaariic waaweyn oo dhaqaale badan ku kacaya, balse ay karto in ay maalgeliso mashaariic yar yar oo waxtar u leh dalka iyo dadkaba, tusaalena u noqon kara sida ay uga go'an tahay horumarinta Puntland. Mar uu ka hadlay mashaariicda horumarineed ee ay iska kaashanayaan ganacsatada iyo dawladu ee ay xukuumadiisu ku han weyn tahay in ay hirgaliyo ayaa uu ka xusay dhamaystirka madaarka Bandar Qassim ee Bossaso, 2 dabaq oo lagu siyaadiyo cisbitaalka guud ee Bossaso, dhismaha xarun lagu daryeelo dadka waalan ama wax u dhiman yihiin, mashruuca calaamadaynta wadooyinka [road signs], dhamaystirka madaarka Garowe, iyo mashuuca ugu weyn oo uu sheegay in uu yahay falliinka beer nabadeed oo sida uu sheegay saldhig u ah nolosha iyo jiritaanka aadamaha. Xukuumada Puntland oo la doortay bishii Janaayo ee sannadkan [2009] ayaa dadaal xoog leh ugu jirta dardargalinta hawlaha dawlada, adkaynta amniga, hirgelinta mashaariicada horumarineed, iyo kasbashada taageerada shacabka Puntland, iyo kalsoonida hay'adaha ka taakuleeya wadamada soo koraya dib u dhiska iyo maamul wanaaga. Mashruuca ayaa waxaa hirgalisay hay'ada NESHA ee dacaytirka iyo dhismaha wadooyinka ee Puntland, waxaana maalgalisay dawlada Puntland. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir. Quote Share this post Link to post Share on other sites