Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Road-works to new capital

Recommended Posts

Madaxweynaha DGPL oo Xariga ka jiray jid loo sameeyay Dhismayaasha Cusub...

 

Madaxweynaha DGPL Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole xariga uga jaray munaasabad balaaran oo lagu furayay jidka jidka xarumaha cusub ee DGPL oo haatanba la dhisay haatana ayku shaqeyneysoba wasaarada caafimaadka DGPL .

 

Jidkan maanta uu madaxweynaha ka jaray xariga ayaa waxaa sida la sheegay ku baxday 27kun o doolar waxaana dhistay Shirkad si gaar ah loo leeyahay oo lagu magacaabo Keysh ilamarkaana ay taageero dhinaca fanka ah ka heleyso Hay’ada lagu magacaabo Nesho oo maamul goboleedka u qaabilsan dhanka jidadaka .

 

Mu naasabadan oo aheyd mid aad loos o agaasimay ayaa waxaa goob jog ahaa inta badna golaha xukuumada madaxweyne Faroole, Isimo iyo Masuuliyiin ka socotay Hay’ada Nasha .

 

Masuuliiyiin badna oo halkaasi ka hadlay ayaa dadka ugu baaqay in ay iskaashi sameeyaan islamarkaana ay wax isku qabsadaan cidkalena aysan ka sugin waxba .

 

Gabagabadii halkaasi waxaa ka hadlay madaxweynaha DGPL waxaana madaxweynaha uu tilmaamay in in Ahmiyada ay wadadaani leedahay tahay in la iskaashado, iasagoo u mahad celiyay shirkada fulisay .

 

C/naasir Yaasiin Salaad

SBC International- Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne Faroole oo xariga ka jaray jid isku xiri doona xarumaha wasaaradaha dawlada iyo caasimada Garowe.

 

Garowe, June 02 | M/weynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta xariga ka jaray jid isku xiri doona xarumaha wasaaradaha xukuumada Puntland ee dhismahoodu ka socdo duleedka caasimada Puntland ee Garowe.

 

Dhismaha jidka cusub oo lagu bilaabay xarunta wasaarada caafimaadka Puntland ayaa qorshuhu yahay in ay isku xirto xarumaha wasaaradaha, sidoo kalena ay ku xirto xaafadaha iyo wadooyinka kale ee magaalada.

 

M/weyne Faroole oo ka hadlay awooda dawlada Puntland ayaa sheegay in walow aanay dawladu awood u lahayn hirgelinta mashaariic waaweyn oo dhaqaale badan ku kacaya, balse ay karto in ay maalgeliso mashaariic yar yar oo waxtar u leh dalka iyo dadkaba, tusaalena u noqon kara sida ay uga go'an tahay horumarinta Puntland.

 

Mar uu ka hadlay mashaariicda horumarineed ee ay iska kaashanayaan ganacsatada iyo dawladu ee ay xukuumadiisu ku han weyn tahay in ay hirgaliyo ayaa uu ka xusay dhamaystirka madaarka Bandar Qassim ee Bossaso, 2 dabaq oo lagu siyaadiyo cisbitaalka guud ee Bossaso, dhismaha xarun lagu daryeelo dadka waalan ama wax u dhiman yihiin, mashruuca calaamadaynta wadooyinka [road signs], dhamaystirka madaarka Garowe, iyo mashuuca ugu weyn oo uu sheegay in uu yahay falliinka beer nabadeed oo sida uu sheegay saldhig u ah nolosha iyo jiritaanka aadamaha.

 

Xukuumada Puntland oo la doortay bishii Janaayo ee sannadkan [2009] ayaa dadaal xoog leh ugu jirta dardargalinta hawlaha dawlada, adkaynta amniga, hirgelinta mashaariicada horumarineed, iyo kasbashada taageerada shacabka Puntland, iyo kalsoonida hay'adaha ka taakuleeya wadamada soo koraya dib u dhiska iyo maamul wanaaga.

 

Mashruuca ayaa waxaa hirgalisay hay'ada NESHA ee dacaytirka iyo dhismaha wadooyinka ee Puntland, waxaana maalgalisay dawlada Puntland.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this