Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka dhigan tahay in ciidanka DF kasoo baxaan degaanadii ay Shabaab ka qabsadeen?

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada-dagaal-xoogga-ciidanka.jpg?fit

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa saacadihii u dambeeyay kasoo baxay deegaano horay looga qabsaday kooxda Al-Shabaab oo ku yaalla koonfurta Mudug, gaar ahaan Camaara, Caad iyo Bacaaweyne.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Haddaba maxay ka dhigan tahay in ciidanka DF kasoo baxaan deegaannaddii ay qabsadeen?

Cabdisalaam Guuleed oo ah taliye ku-xigeenkii hore ee NISA sidoo kalena ka faalooda arrimaha Amniga ayaa wareysi uu siiyay VOA-da ku sheegay in dib u gurashada ay sameeyeen ciidamada ay tahay mid xanuun badan, isla markaana leh niyad-jabkeeda.

“Runtii waa dhacdo xanuun badan iyo dib u dhac wayn waxayna niyad jab ku tahay ciidamada iyo shacabka, maadaama uu ahaa dagaal wadajir loo qaaday” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan fashilineyso guulihii horay looga gaarau dagaalka Al-Shabaab oo ay ku dhinteen askar fara badan iyo saraakiil ciidan.

“Furimaha laga soo baxayo waxay ahaayeen meel ay boqlaal wiilal ah ay ku dhinteen, miinooyinka laga soo saarayay. Khasaare wayn iyo niyad jab soo gaaray weerar ciidamada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdisalaam Guuleed.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sababta ku sheegay in ciidamada ay soo wajahday xaaad adag, sidoo kalena ay jirto cabsi ku aadan weerarada Shabaab ee Ramadaan.

“Cabsi laga qabo weerarada Al-Shabaab ee bisha Ramadaan iyo cabashada ciidamada ayay u badan tahay dib u gurashada ciidaka” ayuu mar kale yiri talie ku xigeenkii hore ee NISA.

Si kastaba, halgankii ka socday Galmudug ayaa u muuqda mid u dhamaaday olole doorasho, koox taageersan Taliyaha NISA Mahad Salaad oo madaxweynaha Galmudug u hanqal taagaya ayaa Madaxweyne Qoor Qoor ku eedeyneysa inuu ka dambeeyo bixitaanka ciidanka, iyagoo sheegaya in madaxweynuhu uu ka shaqeynayo in lasoo baneeyo deegaano hor leh.

 

The post Maxay ka dhigan tahay in ciidanka DF kasoo baxaan degaanadii ay Shabaab ka qabsadeen? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this