Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Wakiilo ka socda Beesh Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1710248329829.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay wakiilada beesha caalamka ee ka howlgala Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM Soomaaliya Raisedon Zenenga.

Shirka ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan xoojinta ammaanka iyo la-dagaallanka Kooxaha Argagixisada ah, iyadoo shirka muhiimadiisa inta badan xooga lagu saaray wax-ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee dalka oo maraya cutubkiisa afaraad.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay hanaanka dib u eegista dastuurka iyo in dalka uu yeesho dastuur rasmi ah oo sugaya afti dadweyne, waxayna Baarlamaanka Soomaaliyeed ku taageereen dadaalka xoogan ee ay ugu jiraan in dalka uu yeesho sharci hagaya dalka, dadka iyo dowladda.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Wakiilo ka socda Beesh Caalamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this