Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Ma runbaa in dowladda Itoobiya  ay ka noqoto is-afgaradka ay la gaadhay Somaliland? iyo nuxurka kulamo lagu dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhacay Nayroobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulamo lagu dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhacay magaalada Nayroobi.

Dedaalka dhexdhexaadinta oo ay hormood u tahay dowladda Kenya ayaa lagu doonayaa in xal looga gaadho khilaafka dowladaha Muqdisho iyo Addis Ababa ee salka ku haya is-afgaradka ay Itoobiya la saxiixatay Jamhuuriyadda Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay heshiiskaas weerar qaawan oo ay Itoobiya usoo qaaday madaxbanaanida dhuleed iyo midnimo.

Somaliland waxay ku tilmaamtay is-afgaradka oo Itoobiya lagaga kireyno marin bad oo toos ah iyo saldhig ciidan in uu horseedayo inay Addis Ababa noqoto dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah u aqoonsata.

Madaxweynaha Kenya oo ay labo toddobaad kahor madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya ay marti ugu ahaayeen sababo kala duwan ayaa hadda wada dedaal dhexdhexaadin ah, sida lagu baahiyay wargeyska The East Afrika oo lagu daabaco Nairobi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu u yimid Nairobi ka qayb galka meertada lixaad ee Shirka Cimilada ee Qaramada Midoobay, halka Abiy Axmed booqasho rasmi ah ayuu ku yimid dalka Kenya.

Wargeyska The East Afrikan ayaa sheegay in madaxweynaha Kenya William Ruto uu horkacaya dedaalada lagu doonaayo in la dejiyo xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu wargeysku intaas ku daray in la filaayo in Muqdisho iyo Addis-ba ay hoos u dhigaan luuqadda adag iyo hadalada warbaahinta laysu marinaayo.

Kulankii dhexmaray madaxweynaha Kenya iyo Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa lagasoo saaray warsaxaafadeed sheegay in ay tahay muhiim in la ixtiraamo madax-bannaanida dhuleed ee dalalka Afrika.

Wargeyska The East African oo xiganaya Ilo diblumaasi ah ayaa sheegay in wada hadala oo billaamay ay sii socon doonaan uuna jiri doono kulan mustaqbalka dhow dhici doono, kaas oo laysku raaci doono meesha uu ka qabsoomaayo si’ay wadahadaladu usii socdaan.

Telefishin laga leeyahay Mareykanka oo lagu magacaabo Bloomberg ayaa baahiyay in dowladda Itoobiya ay qorsheyneyso inay ka noqoto is-afgaradka ay la gaadhay Somaliland, sida uu telefishinku kasoo xigtay ilo dublumaasiyadeed oo dhowr ah.

Waxa ay saraakiisha la hadlay telefishinkan sheegeen in Raysal wasaare Abiy Axmed uu si gaar ah u danaynayo in uu ka noqdo qeybta is-afgaradka ka khuseysa aqoonsiga Somaliland, oo loo arko in uu yahay mid ka mid ah sababaha waa weyn ee ay Somaliland u saxiixday is-afgaradka.

Itoobiya iyo Somaliland midna kama falcelin warka uu baahiyay telefishinkan iyo sidoo kale wada hadalada dhexdhexaadinta ah ee ay Kenya hormoodka u tahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this