Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale oo Xarunta Gobolka Kula Afuray Dadka Naafada ah iyo Qoxootiga Suuriyaanka ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula afuray qaar ka mid ah dadka naafada ah iyo muhaajiriinta siiriyaanka ah ee kunool Magaalada Muqdisho

Munaasabadaan Afur Wadareedka ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xildhibaan Cabdikariin Cabdow Xeydar, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Agaasimeyaal.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada in ay ka war qabaan dadka danta yar ee ku nool degmooyinkooda si loo kaalmeeyo oo inta aan afuri karin wax loo gaarsiiyo, asigoona dhinaca kale Ganacsatada iyo dadka eebe wax u dhiibay ugu baaqay in ay iyaguna gacan ka geystaan Afurinta dadka danta yar.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this