Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo Maanta Ansixiyay Golaha Xukuumadda cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1710158431748.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta horgeeyay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xukuumadda .

Madaxweynuhu wuxuu Golaha la wadaagay qorsheyaasha xukuumadda oo ay  sal u ahaayeen Amniga, Garsoorka, Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda , wuxuuna ka codsaday Xildhibaanada Golaha Wakiillada in ay ansixiyaan xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada oo lagu soo xulay aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda.

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada ka dhegaystay Aqoontooda iyo khibradooda shaqo, kadibna waxay ku ansixiyeen cod aqblabiyad ah iyadoo 54Mudane oo kulanka joogay dhammaan gacanta u taageen ansixinta xukuumadda cusub, sidoo kale waxaa uu Baarlamaanku ansixiyey qorshe Siyaasadeedka xukuumadda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ansixinta xukuumadda kadib u mahadceliyay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, wuxuuna la wadaagay in la xoojin doono wadashaqeynta Goleyaasha Dowladda, si loo horumariyo adeegyada Dowladnimo ee loo hayo Shacabka Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxaa munasabadda kala qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xildhibaanadda Golaha Wakiillada, Xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada, Golaha Garsoorka, saraakiil Madaxtooyo iyo martisharaf kale.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo Maanta Ansixiyay Golaha Xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this