Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo Saaka u ballansan ansixinta Xukuumadda Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1710141373025.jpg?resize=720%2C48

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay Saaka ansixiyaan Golaha Xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay Madaxweyne Deni.

Qoraal kooban oo Xalay loo diray Baarlamanka Puntland ayaa lagu wargeliyay in ay Saaka oo Isniin ah soo xaadiraan Fadhiga lagu ansixinayo Xukuumadda cusub.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Siciid Deni uu dhawaan Kulan la qaatay Guddoonka Baarlamanka oo uu kala hadlay ansixinta Golaha Xukuumadda ee magacaaban.

Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Deni ayaa ka kooban 57 xubnood oo isugu jira 21 wasiir, 22 wasiir ku xigeen iyo 14 Wasiiru Dawle.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo Saaka u ballansan ansixinta Xukuumadda Cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this