Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The TFG Prime minister Cumar cabdirashid the khuusuusi is a terrorist organization

Recommended Posts

Ina Sharmaarke:- SSC Waa Argagixiso

Written by Jidbaale.com

Wednesday, 23 June 2010 16:03

 

 

 

 

Muqdisho(Jidbaale.com):-Ra'iisal wasaaraha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharmaa'arke ayaa kulan uu la yeeshay saraakiisha sar sare ee ee Ciidamada AMISOM u gudbiyey warbixin ka dhan ah shacabka iyo Hogaanka SSC.

 

 

 

 

 

Cumar C/Rashiid ayaa u sheegay saraakiishaas in Hogaanka SSC ay yihiin Argagixiso, wuxuu sheegay in dadka ka soo jeeda Goboladaas ay taariikh dheer oo xaga asal raacnimada ah lee yihiin. Wuxuu sheegay in ay si weyn uga soo horjeesteen maamuladii Gumaysiga ee Soomaaliya xukumi jirey taasoo uu ku tilmaamay Xagjirnimo ay dhaqan u leeyihiin dadka Reer Sool Sanaag iyo Cayneed.

 

Wuxuu sheegay ayagoo raacaya wadadii hore ee Daraawiisheed in ay hada Abaabulayaan urur la mid ah kaasoo oo uu sheegay in uu Argagagixso yahay. Cumar C/Rashiid ayaa waxaa saraakiisha AMISOM wax ka weydiisey bal cadeynta uu u hayo arintan ah in Hogaanka Midnimada iyo Badbaadada SSC Somaaliya xidhiidh la lee yahay Argagixisada ayuu sheegay Cumar C/Rashiid in arintaas uu u xaqiijiyey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee maamulka Puntland Xaaji Waal waal oo uu sheegay in uu Buuhoodle kala soo xidhiidhay.

 

Saraakiisha AMISOM ayaa arintan aan ku qancin, waxayna ugu danbeyntii Ra'iisal wasaraha ka dalbadeen Tafaasiil dheeraad ah. Ilo diidey in magacooda la xuso kana agdhaw Cumar C/Rashiid ayaa sheegay in arintan ay dhalisay xiisad weyn oo kale.

 

Wuxuu sheegay in arintan ay ******** xubno ku dhaw dhaw madaxweynaha Soomaaliya isla markaana ka soo jeeda SSC kuwaasoo dacwad ka dhan ah Cumar C/Rashiid diyaarinaya hada. Wasiirka Arimaha debeda ee Soomaaliya Cali Ahmed Jaamac Jengeli ayaa la sheegay in ay Ra'iisal wasaaraha isku ogaayeen arintan laakiin Ra'iisal wasaaruhu uu wax ka bedeley qaabkii wasiirku laga ogaa taasoo uu gaadhsiiyey in uu Beesha *********** oo dhan ku sheego Argagixiso iyo dad ka soo jeeda Qas wadayaal heer caalami ah.

 

Cumar C/Rashiid Cali Sharma'arke oo la sheego in uu yahay nin aad u jilicsan isla markaana aan Feker badan lahayn ayaa la sheegay in arinta ay u soo dhiibeen Xubno ka tirsan maamulka Faroole kuwaaso arin beel ahaan ka dhaadhiciyey una sheegay in Hogaanka SSC haduu hana qaado aan beesha uu ka soo jeedo Cumar aysan heli doonin sad bursiga ay ka helaan Soomaaliweyn. Kaasoo ay ku magac doontaa *****nimo iyo wax la mid ah, waxaana laga dhaadhiciyey haduusan sidaas yeelin in uusan Kursigiisu badbaadi doonin.

 

Xukuumada Cumar C/Rashiid ayaa waxaa hada haysta Caqabada badan, oo ay ugu horayso ayadoo xubno badan oo wasiiro ah iska casileen xilalkii ay ka hayeen Xukuumada Cumar C/Rashiid kuwaasoo badankoodu ku eedeyey ra'iisal wasaaraha nin fadhiid ah oo aan lahayn Awood fulineed iyo mid shaqo toona.

 

Sidoo kale dadka yaqaanaa Cumar C/Rashiid waxay sheegaan in uusan ahayn nin caafimaad ahaan xataa Bed qaba oo hada ka hor dhiig madaxa kaga furmay, uuna qabo xanuunka Faaliga taasoo aan u saamaxayn inuu wax badan hubsado.

 

Arintan ayaa waxay noqonaysaa fadeexad kale oo Siyaasadeed oo soo wajahday Ina C/Rashiid. Isla markaana ay ka faa'ideysan karaan xubnaha ku kacsan xukuumadiisa . Waana arin lagu dacweyn karo in uu dad dhan oo Soomaaliyeed shacabkoodii iyo madaxdoodiiba ku tilmaamo Argagixiso.

 

Inta badan madaxda ka soo jeeda Gobolada Nugaal , Bari iyo Waqooyiga Mudug ayaa si weyn u fuliya Siyaasadooda reereed. Halka kuwa ka soo jeda SSC ee ay isku meeqaamka yihiin ama ka darajada sareeyaa ay wax kasta ku sar gooyaan dantooda shakhsiyadeed, taasoo keenta in ay noqdaan dad lagu shaqaysto oo aan lahayn wax cod ah. Waxaase laga war dhawrayaa waxa ay arinta ka yidhaahdaan xubnaha Barlamaanka dawladda Federaalka ah ugaga jira Gobolada SSC Ee Soomaaliyeed. Cumar C/Rashiid ayaa waxaa ku xeeran inta adan Wiilal dhalinyaro da' yar aqoona aan lahayn u badan kuwaasoo la sheegay in ay Ciyaalka Xaafada isku ahaan jireen. Waxaana laga yabaa in arintan ay dhegta ugu sheegeen dhalinyaro aan aqoon Siyaasadeed iyo Hogaamin shacabeed midna lahayn, taasoo uu iskala boodey asagoon iska Hubsan.

 

Hogaamiyaha SSC Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye ayaa dhawaan mar uu waraysi siinayeye ilaacada BBCda sheegay in ay taabacsan yihiin xukumada Federaaliga ah ee Soomaaliyeed. Waxaana arintan Ra'iisal wasaraha loo arkaa caqabad kale oo uu hordhigay dawladda KMG ah oo aan awood badan lahayn. Waxayna Dawladu hadaysan arinta jawaab cad ka bixin ku waayi kartaa Taageerada shacabka SSC oo dal iyo debedba taageersan Dawladda Soomaaliya.

 

Ibrahim Mohamed Hersi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

abtigis lol best not to respond to fake news the people will see who is right and wrong, if jidbaale needs to go to such extent then that shows the people jidbaale will even lie to get people to follow them and whoever does end up following them might not live to the tale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abtigiis & Tusbax:

Cowke, oo adna ma ka cabanaysaa Jidbaale. I thought you were its editor. Certainly, you have a lot in common.
:D

:D:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this