Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafti ka socda Itoobiya oo booqday xeebta Buluxaar iyo kal Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Screenshot_20240310_235725_Chrome.jpg

Screenshot_20240310_235737_Chrome.jpgWafti ka kooban saraakiil iyo diblomaasiyiin Somaliland iyo Itoobiyaan ah ayaa daraasaad ku soo saneeyay xeebta u dhaxaysa deegaanka Bulaxaar iyo Kal Sheekh, halkaasi oo noqon doonta meesha laga samayn doono saldhiga ciidamada bada ee Itoobiya ay ka kiraysan doonaanto Somaliland, sida ay xaqiijinayaan dad arimahani u dhuun daloolaa

Sida ku cad is fahankii ay Somaliland iyo Itoobiya ay wada gaadheen 1-dii January 2024 oo dhigaayay in Somaliland Itoobiya ay isku fahmeen in 20 Km lagu kiraysto marinka badda cas, xaga ay Somaliland heli doonto aqoonsi iyo iyada oo saami ka hesha shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines

Ma jiraan wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay xukuumaddaha Hargeysa iyo Addis Ababa oo ku saabsan daraasaadka ay labada dal ku tageen deegaanka laga dhigi doono saldhiga ee xeebta

Dhanka kalena gudigii uu madaxweynuhu u saaray ka talo bixinta heshiiska ayaa ayaamahanba socdaal ku maraayay xeebta inta u dhaxaysa Berbera ilaa Lughaya oo ay socdaalkooda ku soo gabo gabeeyeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this