Deeq A. Posted March 10, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo saaka aroortii hore ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo illaa iyo hadda lagu howlan yahay damintiisa. Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga kacay qaybta Cabdalla Shideeye ee suuqa, wuxuuna kusii fiday goobo kale oo horleh. Qaar kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dabka uu yahay mid xoogan, isla markaana uu gaystay khasaare baaxad leh. Sidoo kale waxaa haatan soconaya gurmad ay wadaan gaadiidka dab damiska dowladda hoose ee Xamar iyo kuwa shirkadda Hormuud oo ku sugan suuqa weyn ee Bakaaraha. Ma cadda waxaa dhaliyay dabkan, oo saameyn aad u ballaaran ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa suuqan oo ah kan ugu weyn guud ahaan Soomaaliya. Mid kamid ah ganacsatada Suuqa oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay inay gubteen 10 dukaan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed. “Goobaha ganacsiga ee gubtay waa 12 boos, waana wax roon iyo wax toos u gubtay” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana suuqa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sugaya amniga, si looga hortago boob loo gaysto ganacsiga suuqa. Gubashada suuqa Bakaaraha ayaa marar badan soo laa laabatay, dowladduna ma baarto sababta keenta dabka sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqa Bakaaraha. The post Wararkii u dambeeyay dab ka kacay Bakaaraha + Video appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites