Deeq A. Posted March 10 Muqdisho ( Caasimada Online) – Maxamed Haldoor oo ah wiil dhalinyaro ah, kana yimid magaalada Hargeysa aya xalay buuggiisa Hadhiwaa kusoo bandhigay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo uu uga hadlayo dhibaatooyinkii uu soo maray iyo xaaladdiisa caafimaad. Waxaa bandhiggga buuggiisa ka qayb-galay wasiiro, xildhibaano, duqa Muqdisho iyo dadweyne fara badan oo u kacay garab istaagga Maxamed oo ah wiil firfircoon. Hadal dareen leh oo uu ka jeediyay munaasabadda ayaa waxa cod dheer baaq ugu diray Soomaali weyn, isaga oo sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wax ka qaban karaan. Haldoor ayaa dalbaday in aan cid kale lagu halleyn ee loo diro caafimaad dalka dibaddiisa, maadaama buu yiri ay dowladda federaalka tahay dowlad sharci ah oo la aqoonsan yahay. “Aniga cidna yaan la igu halleyn xaaladeyda Soomaaliya oo dowlad Sharci ah oo caalamku aqoonsanyahay ay ka jirto ayaan doonayaa inay wax ka qabato” ayuu yiri Haldoor. Intaas kadib waxaa farriinta Maxamed Haldoor ka jawaabay duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kafaala qaaday caafimaadikisa isagoo ku hadlayay codka caasimada. “Hargeysa buugaag ayaa looga soo gatay, Garoowe buugaag ayaa looga soo gatay Muqdisho sow caasimadii Ummadda Soomaaliya maaha? magaciina aniga oo ku hadlaayo caafimaadkiisa annagaa kafaala qaadnay” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Maxamed uu yahay nin hami sare ka leh nolosha, isaga u rajeeyay guul iyo caafimaad buuxa. “Waa nin hami leh waa nin maskaxdiisa sarreyso, waa nin Haldoorka uu la baxay nin u qalma inuu yahay, guuleyos caafimaad taam ah allaha ku siiyo” ayuu mar kale. Haldoor ayaa horay buuggiisa oo aad loo jecel yahay kusoo bandhigay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe, ayada oo ay ka iibsadeen dad badan, si ay u dhiirageliyaan. The post Daawo: MADAALE oo ka farxiyay Maxamed Haldoor appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites