Sign in to follow this  
bambo

Miracle of Allah , United Xammar one Voice God bless Sheeq Sharif , Dahir Awes

Recommended Posts

bambo   

Kumanaan dad ah oo dareenkooda ku muujiyey sida ay uga soo horjeedaan qaraarka qabyada ah ee Maraykanku ku doonayo in ciidamo loo diro Soomaaliya (Sawiradii laga soo qaaday)

 

 

Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday Qaraarka Maraykanku horgeeyey golaha amaanka ee Q/Midoobay oo ku baaqaya in la qaado xayiraada hubka ee Soomaaliya saaran, si loo keeno ciidamo Afrikaan ah oo nabada ilaaliya iyo ciidamada Itoobiya ee soo galay gudaha dalka, ayna ka soo qeyb galeen kumanaan dad ah oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa oo isugu jiray ururada bulshada iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dugsiyada iyo Jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho iyo mas'uuliyiin ka tirsan maxkamadaha Islaamiga ah ayaa maanta ka dhacay garoonka dedan ee Istadio Muqdisho.

 

 

Dadka banaanbaxayey oo ay ka muuqatay shucuur aad u sareysa oo ku aadan sida ay uga soo horjeedaan in dalka Soomaaliya la keeno ciidamo Afrikaan ah lana qaado xayiraada hubka ee Soomaaliya saaran sida ku xusan qaraarka Maraykanku horgeeyey golaha amaanka ee Q/Midoobay, iyagoo watay boorar ay ku qornaayeen ereyo liddi ku ah dowladaha Maraykanka iyo Itoobiya oo ay sheegeen iney dhagar la maagan yihiin Soomaaliya, doonayaana xoog iney kula wareegaan, iyagoo ku qeylinayey “Ciidamo shisheeye dooni meyno iyo “Gaal… Gaal dooni meyno” iyo ereyo kale.

 

 

Guddoomiye ku-xigeenka golaha fulinta maxkamadaha Islaamka Sheekh C/raxmaan Max'uud Faarax (Jinaqow) oo banaanbaxaasi ka hadlay ayaa sheegay in cuno qabateynta hubka ee Soomaaliya oo la qaado in ay micnaheedu tahay dagaal lagu soo qaado maxkamadaha Islaamka.

 

 

“Waxaan dooneynaa inaan maqashiino caalamka qaladka weyn ee Maraykanku la daba joogo Soomaaliya, golaha ammaanku waa inuusan meel marinin qaraarka Maraykanku ku doonayo inuu ku qabsado Soomaaliya, sidoo kale waxaan u sheegeynaa Tigreega dalka Soomaaliya soo galay ineysan iyagu laheyn ee ay faraha kala Baxaan ” ayuu yiri Jinaqow oo intaa ku daray in haddii la meel mariyo qaraarka Maraykanku wato ay iyana dagaalyahano Islaamiyiin ah oo ajaaniib ah ku casuumi doonaan iney ka dagaalamaan Soomaaliya.

 

 

Sheekh Muqtaar Roobow Abuu-Mansuur ku-xigeenka madaxa amniga ee golaha maxkamadaha oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xoog iyo xoolo u hurayaan difaaca dalka iyo diinta Islaamka.

 

 

Guddoomiyaha golaha Shuurada maxkamadaha islaamka Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu sheegay in dunida aysan diidaneyn iyaga, balse ay diidan tahay ayaadka ALLAAH oo ay qaateen golaha maxkamadaha Islaamka, waxaana uu dadweynihii ka soo qeybgalay banaanbaxa uu ku booriyay in ay u diriraan difaaca diintooda muqadaska ah ee Islaamka.

 

 

“Gardarrada golaha ammaanku ay ku socdaam waa iney ka joogaan, haddii kale muslimku waa muslim waa walaalo waana is difaacayaaan waana idinka adkaaneynaa insha ALLAAH, anagana dagaalka ayaaba dani noogu jirtaa ogaada haddaba, qolada sandareerada la siinayo nama metelaan” ayuu si kulul u yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

 

 

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay xubno ay ka mid ahaayeen Ugaas Xaaji Bile, Abwaan Abshir Bacadle, Abwaan Dhuunkaal, Sheekh Ibraahim Max'uud, iyadoo tixgabay ah uu ka tiriyey goobta Abwaan Cismaan C/llaahi Guurre.

 

Banaanbaxyadan saaka dhacay magaaladan Muqdisho ee looga soo horjeedo qaraarka Maraykanku uu ku doonayo in ciidamo lagu keeno Soomaaliya ayaa sida muuqata lagu soo beegay saacado ka hor xilli maanta la filayo in golaha Amaanka ee Q/Midoobay ay kulan isugu yimaadan xaruntooda magaalada New york si ay qaraarkaasi uga doodaan go'aana uga gaaraan in la meel mariyo iyo in kale, iyadoo xubnaha golaha amaankuna la sheegayo iney taxadar badan ka muujinayaana arintaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this