Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Warns against Ethiopian Pullout

Recommended Posts

hadhwanaag 2008-12-24 (Hadhwanaagnews) Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay si rasmi ah uga digtay masiibada ka dhalan karta, haddii ay dawladda Itoobiya ciidamadeeda kala baxdo dalka Somaliya.

 

Xukuumadda Somaliland waxa ay bulshada caalamka ku canaanatay inay ku fashilantay inay ciidamo nabad ilaalineed u diraan Somaliya, iyadoo islamarkaana sheegtay in doorka Itoobiya ee Somaliya uu mudanyahay in la bogaadiyo. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo dhawaan u waramay Wargeyska Ethiopian Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay aqoonsiga Somaliland, waxaanu sheegay inuu aaminsanyahay inuu darbiga xaaraanta ah ee hortaagan aqoosniga Somaliland uu jebin doono hoggaamiye Afrikaan ahi.

 

Wasiirka Md. Ducaale, oo la weydiiyay dalka u horeeya ee uu u malaynayo inuu aqoonsan doono Somaliland, ayaa waxa uu ku jawaabay “Aad ayaanu u farxi doonaa haddii dal keliyi na siiyo aqoonsi. Markii ay dawladda Bangaladhish la aasaasay, wuxuu ahaa wadanka jaarkooda kii u u horeeyay ee aqoonsaday waxaanay ahayd Hindiya.

 

Qaramadu way midoobaan, waanay kala tagaan, qaddiyadda Somaliland-na waa la mid. Hoggaamiyayaasha Afriku way ogyihiin inay waajib ku tahay inay aqoonsadaan Somaliland, maxaa yeelay taas way ku fashilmeen, muwaadiniinta Somaliland ee ku hoos nool jiritaanka Dimuqraadiyadda iyo nabadgelyadu waxa ay waajahayaan khatar. Taariikhduna dadka Somalialnd wanaag ayay u xukumi doontaa, hoggaamiyayaashu waa inay indhahooda furaan.

 

Waxaanu aaminsanahay in hoggaamiye wanaagsan oo Afrikaan ahi uu jabin doono darbiga xaaraanta ah oo uu aqoonsan doono Somaliland. Ilaa goorma ayaa dadka Somaliland laga dafiri doonaa aqoonsiga, ? sababtoo ah ma haysano ictiraaf, sababta ah in aanaan ictiraaf haysan ayaanu u awoodi weynay inaanu daymo ka helno hay’adda IMF iyo bangiga adduunka.

 

Haddii ay wadamadu marka hore annaga na aqoonsadaan, waxaanu xubin ka noqon doonaa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Wadmada IGAD iyo Midowga Afrika nagama aqbali karaan hadda inaanu ka noqono xubin, maxaa yeelay wadamo gaar ah ayaa diidan inay na siiyaan aqoonsigaas.”

 

Wasiirka oo la weydiiyay sida ay Somaliland u aragto ka bixitaanka ay dawladda Itoobiya sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso dalka Somaliya ayaa waxa uu ku jawaabay, “Dhammaan Afrikaanku waa inay Itoobiya uga mahadceliyaan doorka ay ka ciyaartay Somaliya, Afrikaanka oo keliya maaha, xiitaa bulshada caalamku waa inay ku mahadiyaan waxa ay halkaas ka qabatay.

 

Itoobiyaanku waxa ay dhiigooda u daadiyeen danta Somaliya , Itoobiya wax badan bay u hurtay Somaliya, waxaanay dawladda Somaliland doorka Itoobiya u haysaa tixgelin gaar ah. Inkastoo ay Itoobiya dedaal badan gelisay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Somaliya, bulshada caalamkaa fashilisay markii ay ciidamo nabad ilaalin ah u soo diri waayeen.

 

Dawladda Meles Zenawi waxa ay Afrika iyo dunidaba ugu tabarucday wax weyn. Waxa ay ilaalisay nabadda gobolka ugu yaraan imika, haddii aanay Itoobiya geli lahayn Somaliyana lama qiyaasi karayn waxa ay samayn lahaayeen xag jirku. Gobolku waxa uu noqon lahaa qas.

 

Haddii ay ciidamada Itoobiya ka baxaan Somaliya, dawladda ku meegaadhka ahi waxa ay waajihi doontaa khatar deg deg ah. Fikirkayga, haddii aanay ciidamo nabad ilaalineed joogin Somaliya khatar aad u sii badan ayaa ku habsan doonta wadankaas.

 

Ma go’aamin karo waxa ay Itoobiya samayn doonto, laakiin fikirkayga ka bixitaanka Itoobiya ee Somailya waxa uu abuuri doonaa madhnaanshiyo maamul oo aan heerkiisu hore u dhicin, natiijaduna waxa ay abuuri doontaa masiibo hor leh. Laakiin annagu waanu iska difaaci karnaa xag jirka Somaliya.

 

Haddii ay dawladda Itoobiya go’aansato inay ciidamadeeda kala baxdo Somaliya waa inay si jadwalaysan uga baxdaa, bulshada caalamkuna waa inaanay dhego adaygin, waa inay si deg deg ah ugu diraan ciidamo nabad ilaalineed.”

 

 

Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this