Sign in to follow this  
General Duke

Interior Minister press conference audio

Recommended Posts

MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo ka warbixiyay xaaladda ammaanka ee Muqdisho

Posted to the Web Feb 28, 13:58

 

 

Muqdisho (PP) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo Dheere) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Ambassador ee Magalaada Muqdisho ayaa kaga hadlay xaaladda ammaan ee Magaalada Muqdisho.

 

 

 

 

 

Gacmo-dheere ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee Magaalada Muqdisho ay tahay mid ka wanaagsan sidii hore, waxaana uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay wax badan ka fahmeen oo ay go’aansadeen inay dhibaatada joojiyaan.

 

 

“Meelaha ay wax ka socdaan waan garanaynaa waana dabajoognaa” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere) oo intaas ku daray: “Dowladdu waxay qaadaysaa tallaabooyin ay ammaanka Muqdisho ku sugayso, waxaana iska dhicin doonnaa cid walba oo isku dayda inay is hortaagto sugidda ammaankaas”.

 

 

 

Mar uu ka hadlay wasiirka Dhanka hubkii lagu tuuri jiray Magaalada Muqdisho ayuu yiri: “Qaraxyadii Magaalada Muqdisho ka dhici jiray waxaa loo rogay in dadka shacabka ah, ganacsatada iyo xubnaha dowladda la ugaarsado, balse aan ka warhaynno kuwa wada ololayaashaas, waxaana u sheegaynaa inaan ognahay oo aan gacanta ku dhigayno”.

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ammaankeeda ay ka sugayso ay tahay mid ay ku ku beegsanayso kooxaha wada dhibaatooyinka lala beegsanayo shacabka. “Kuwa wax ku dila bastooladaha ee caadaystay falalkaas, waxaan u sheegaynaa inaan wax ka qabanayno oo aan iyaga ka dhiganayno bartilmaameed” ayuu yiri Gacmo-dheere.

 

 

 

“Dowladdu waxay u tacsiyeynaysaa ehelladii ay ka geeriyoodeen dadkii howlaha Qarannimo waday ee shalay lagu dilay Muqdisho, dowladduna waxay la xiriiraysaa dadkaas ehelladooda iyo xaasaskooda, waana kuwo ay xusuusan doonto oo aanay iloobayn weligood, waxayna ku geeriyoodeen iyagoo ku jira howlo qarannimo” ayuu yiri Gacmo-dheere.

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu aad ugu dhaliilay saxaafadda inay ka dambeeyaan dhibaatada ka taagan Muqdisho, waxaana uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan nabadda intii ay ka shaqeyn lahaayeen dhibaatada shacabkana ay ka shaqeeyaan nabadda.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Wasiirka gudaha oo sheegay in dowladda ay bilaabeyso howlo amaanka lagu sugayo.

28. februar 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wasiirka arrimaha Gudaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in dowladda KMG ah ay wax badan ka qabaneyso xaalada amaan daro ee ku soo korortay caasimada dalka ee Muqdisho.

 

Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) oo maanta Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho shir jaraa'id ku qabtay waxaa uu ku sheegay in dowladda KMG sida ugu dhaqsiyaha badan ay gacan bir ah ku qaban doonto amaanka Muqdisho oo falal amni xumo ku soo kordheysay saacadihii lasoo dhaafay.

 

Gacma Dheere waxaa uu sheegay in kulamo ay la yeesheen qabaa'ilka Muqdisho ku dhaqan iyo kooxaha lagu tuhmayo in ay ka danbeeyaan weerarada lala beegsanayo xarumaha dowladda kuwaasi oo ka tirsan maxkamaddaha Islaamiga, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadlen sidii loo joojin lahaa fowdada ka jirta Muqdisho.

 

Ciidamo ka tirsan dowladda ayuu sheegay wasiirka in laga sugayo magaalada Muqdisho kuwaasi oo u howlgeli doona sidii ay wax ugu qaban lahaayeen xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho, iyagoo sameyn doona baaritaano lagu baarayo xaafadaha isla markaana kontoroolaya wadooyinka waaweyn ee Muqdisho.

 

xiligii uu shirkan jaraa'id qabanayey wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxaa garabka ka fadhiyay Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaabow) oo isagana dhinaca kale sheegay in kooxaha fuliya qaraxyada ay yihiin kuwo deegaanadooda kasoo masaafuriyay dhibaatada, wuxuuna ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan deegaanadooda oo dhibaatada ay ka qaadaan caasimada dalka.

 

Cali Sandheere

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka arrimaha gudaha Somalia oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho.

 

Muqdisho:-Wasiirka arrimaha gudaha ee DFKG ah Mr.Max’ed Max’ud Gacma Dheere oo goor dhawayd shir saxaafadeed ku qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay dhawaan bilaabi doonaan howl gallo lagu soo celinayo nabad galyadii Caasimada,isagoo intaas raaciyey in hadda xaaladu ka soo roonaanayso sidii hore.

 

 

"Xukuumadu waxay kulamo iyo wada hadal la yeelatay qabiilooyinka dowlada diidan iyo dad ka haray golihii MMi ayuu yiri Mr.Gacma Dheere oo intaas ku sii daray nabad galayadu ay muhiim umadda u tahay isla markaana ay afgarteen dhamaan wax garadkii ay la kulmeen".

 

 

 

Wasiirku isagoo nabad galyada iyo shacabka reer Muqdisho ka hadlayana wuxuu yiri mar kale”waxaan ogsoonahay in umadda reer Muqdisho ay aad nabada u jecelyihiin waxaana ballan qaadaynaa inaan tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono kooxaha caadaystay inay shacabka iska laayaan iyagoon aqoon waxa ay doonayaan.

 

 

 

Wasiirka ayaa sheegay inaan loo adkaysan Karin shirqoolada iyo dilalka lagu ugaarsanayo masuuliyiinta dowlada,wuxuuna ku tilmaamay kooxaha dilalka u gaysanaya masuuliyiinta dowlada kooxo wax ma garato ah aan alle aqoon waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

 

 

Dhinaca kale Wasiirka ayaa eedeeyey Warbaahinta Somalidu inay qayb wayn ka qaataan qaxa iyo barakaca ka jira Muqdisho,isla markaana ay qayb wayn ka qaateen in dadku ay qaxaan,isla markaana ay hogaanka u hayaan kooxo dano siyaasadeed uga yimi dalalka aduunka.

 

 

 

Shirkaan Jaraa’id ayaa ku soo beegmay xilli ay si aada usii kordhayso dhimashada iyo iskhaarajinta lagu hayo dadka rayidka ah ee magaalada ku nool iyo waliba masuuliyiinta dowladaha hoose oo iaga dhowr la dilay dhawaan.

 

 

 

Wasiirka ayaa shirkiisa waxaa ku weheyey duqa magalada Muqdisho iyo masuliyiin kale oo ka tirsan gobolka Banaadir.

 

 

 

Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo maanta ka hadlay dilkii xalay kooxaha qarandiidku u geysteen taliyihii ciidamada madaniga ee xafadd lbarako { Axmed Xirsi Dhaashane Muwaadin naftiisa u huray dalka iyo dadkiisa}

 

Wsiirak arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya maxamed maxamuud Guuleed oo loo yaqaanno Gacma dheere ayaa maanta hotelka Ambassaodr ee magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa'id oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay sugidda amaanka dalka gaar ahaana Muqdisho,qaabka warxumo ee idaacadaha Muqdisho ay wax u tabiyaan iyo arrimo kale.

 

 

Wsiirak arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya maxamed maxamuud Guuleed oo loo yaqaanno Gacma dheere ayaa maanta hotelka Ambassaodr ee magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa'id oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay sugidda amaanka dalka gaar ahaana Muqdisho,qaabka warxumo ee idaacadaha Muqdisho ay wax u tabiyaan iyo arrimo kale.

Mudane Gacmo Dheere ayaa sheegay in dowladda federalka Soomaaliya ay aad ugu xuntahay dilalka kasoolaba kacleyay magalada Muqdisho gaar ahaana dilkiixalay ay kooxaha qaran diidku u geysteen marxuum Axmed Xirsi Dhaashane.o ahaa taliyihii ciidamada madaniga ee xaafadda Al barako.

"Dowladdu way ogtahayhalka lagasoo ababulo rabshadaha Muqdisho ka socda ,waxaana dahwan bilaabi doonaa talaabooyin aanu kuwaa ku cadaadinayno"ayuu yiri wsiirka oo dhanka kalana saxafada Muqdisho kueedeeyay in ay buunbuuninayaan wx ay ku sheegeen barakac baahsan oo magalada Ka jira.

"Shacbiga Soomaaliyee waxa ay doonayaan nabad 99%,laakin wxaanu cod dheer ku sheegeynaa in aanaydowaldda Soomaaliya oggolaan doonin kuwaasi in ay howshooda wax dumiska ah sii watan"ayuu mar kale yiri wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya.

"Marxuumkaa waxaanu u aqoonsanahay muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa u dhintay dowladuna waxaa ayu samayndoontaa xusuusasho gaar ahaaneed"ayuu yiri wasiirka oo sheegay in ayqorsheynayaan in ay utagaan qoyskiiuuka geeriyooday Marxuum Dhaashane.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay waxa ay dowalddu ka qabto wada ahdal lala galo maxkamadihii baaba'ay ee Islamiga sheganjiray waxaana uus heegay in aanayba haatan ogayn meel ay maxkaamdo joogaan,laakin uuis faham dhex maray shaqsiyad maxakimtii baaba'ay u shaqeynayay.

 

Xafiiska warqabadka shabaakdda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

whats the name of the operation?

 

so later we can remind you of the number of operations the ethiopians tried but failed.

 

anyname,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka arimaha Gudaha gacma Dheere oo shaaca ka qaaday in dhawaan Ciidamada Dowlada ay gacan bir ah ku dhigi doonaan amniga Caasimada.

 

Wasiirka arimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed maxamuud Guuleed (Gacma dheere) oo Maanta shirt jaraa'd ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay xalaada amaan xumo ee ku soo Korortay Caasmiada wuxuuna sheegay in dilalkaasi ay ka dambeeyaayn dad uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay carqaladeeyaan amaanka Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Mudane Gacma dheere ayaa sheegay in ay dowladu si weyn uga xuntahay dadkii shalay iyo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in Dowlada Federaalka soomaaliya ay si weyn uga xuntahay isla mar ahaantaana ay dhawaan gacan bir ah ku soo dhigi doonto dadkii ka dambeeyay falalkaasi dilka ah.

 

Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday in ay wada hadal toos ah la gali doonto eheladii uu ka geeroyooday marxuum axmed Xirsi Dhaashane ayna u aqoonsan doonto in uu ka mid ahaa sida uu hadalka u dhigay shaqaale dowladeed oo kale sidoo kalena waxaa uu ugu baaqay Ciidamada kale ee madaniga ah in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan wax u qabashada bulshada.

 

Wasiirka arimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in haatan dowladu ay diyaarinayso qorshe wax looga qabanayo amni darida magaalada Muqdisho isla markaana ay wada hadal kula jiraan qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo waliba kooxaha uu sheegay in ay fakir ahaan ka soo Horjeedaan Dowlada dhawaana ay soo afjari doonaan wada hadalkooda si buu yiri wax looga qabto amaanka Magaalada Muqdisho.

 

Gacma dheere ayaa intaasi ku daray in dhawaan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ay Guud ahaan wadanka Soomaaliya Gaar ahaan Caasimada Muqdisho ka bilaabi doonaan Howlgalo lagu sugayo amniga wuxuuna warar aan sal iyo raad laheeyn ku tilmaamay in dowlada ay amaanka magaalada u adeegsan doonto xoog balse ay Dowladu tahay dowlad dib u heshiisiin laakiin waxaa uu sheegay in ay talaabo ka qaadi doonaan cidii ay u arkaan in ay wax u dhimayaan amaanka Caasimada Muqdisho

 

Wasiirka arimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed maxmuud Guuleed gacma dheere ayaa sidoo kale ka hadlay qaxa ka socanaya qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in arintaasi ay tahay arin ay si weyn u buun buuniyeen qaar ka mid ah warbaahinta isla mar ahaantaana aysan jirin qax sidaa u weyn oo ka jira Magaalada Muqdisho.

 

Gacma dheere ayaa intaasi ku diray in inta badan dadka haatan ka qaxaya magaalada Muqdisho ay yihiin sida uu sheegay dad markii hore ka yimid qurbaha doonayana in ay ka been abuuraan xaalada haatan ka taagan Magaalada Muqdisho

 

Wasiirka arimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) ayaa uu kaloo ka hadlay Ciidamada Ethiopianka ah eek u sugan degmada afgooye wuxuuna sheegay in Ciidamadaasi ay qeyb ka yihiin Ciidamada Ethiopianka ah ee taageeraya Dowlada Federaalka Soomaaliya isla mar ahaantaana aysan jirin qorshe gaar ah oo ay halkaasi u joogaan wuxuuna ka gaabsaday in Ciidamadaasi ay qeyb ka yihiin Ciidamada ay dowladu ugu tala gashay in ay wax uga qabato xaalada amaan xumo ee ku soo korortay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho

 

 

Cabdikariin Xuseen Guutaale

allmudug Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: " Qaxa Muqdisho ka dhacay waxa ka masuul ah dadka caruurohooda yurub gaystay" wasiirka arimaha gudaha

1.Mar 2007

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Muqdisho(AllPuntand) -Wasiirka arimaha gudaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmodheere) ayaa ku eedeeyay dad gaar ah inay ka danbeeyaan kicinta iyo qixinta shacabka magaalada Muqdisho.

 

Gacmodheere oo saxaafadda la hadlayay wuxuu sheegay in dad caruurohooda gaystay Yurub oo haysta meel ay aadaan iyo nolol wanagsan ay wadaan kicinta dadwaynaha.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in dadkaasi ay ka waantoobaan kicinta shacabka , wuxuuna codsaday in loo baahan yahay in dadka loo sheego waxa wanaagsan iyo inaysan dhulkooda ka cararin.

 

Md: Gacmodheere wuxuu sheegay in dadkii magaalada Muqdisho ka tagay ay hadda haysato dhibaatooyin nololeed , caafimaad daro iyo waxyaabo lamdi ah , taasna ay masuul ka yihiin dadkii shacabka bajiyay.

 

Dhinaca kale saxaafadda gobolka Banaadir ayuu eed kulul usoo jeediyay,wuxuuna xusay in inta xun ee Muqdisho ka dhacda ay dadka u sheegaan.

 

Saxaafadda Muqdisho wuxuu ka codsaday inay sheegaan horumarka dawladdu samayso, shirarka ay kula jirto beelaha, isbeddelka ku yimid ammaanka iyo horumarka kale.

 

" Danta in nabad la helo cid walba ayaa ka faa'iidaysanaysa, xataa idinka saxaafadda ayaa dan idiinku jirtaa" ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa guud ahaan shacabka Muqdisho ugu baaqay inay si geesi nimo ah isaga difaacaan dadka uu ku tilmaamay fulayada ee samaynaya dilalka qorshaysan

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this