Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo ciidamo gaysay deegaanada SSC-Khaatumo + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
Ethiopia-Itoobiya-scaled.jpeg?fit=2560%2

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya SSC-Khaatumo ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay ciidamo ka socda dalka Itoobiya ay gudaha u galeen deegaano ka tirsan maamulkaasi oo haatan dagaal adag kula jira Somaliland.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa Jimcihii shalay iyo maanta oo Sabti ah lagu arkay meelo ka mid ah dhulka SSC, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadan ay dalbatay Somaliland, sidaasna lagu geeyay qaybo kamid ah gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga dalka.

Ariintan waxa ay ka dambeysay shir ay todobaadkii hore Hargeysa ku yeesheen saraakiil ka socotay Itoobiya iyo madaxda Somaliland, sidaasna ciidamada lagu geeyay halkaasi.

Ujeedka ayaa ah inay halkaasi ka ilaaliyaan amniga guud ee Somaliland, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo ilo ku dhow laamaha ee maamulka Hargeysa.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaynara arrintan kusoo aadeysaa, ayada oo dhowaan hoggaamiyaha kMG ah ee SSC-Khaatuma Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye uu ka digay in ciidamo Itoobiyaan lasoo dul dhigo deegaanada uu ka arrimiyo maamulkiisa.

“Waxaanu aqbali karayno ma ahan, ma aqbalayno. Dadkayaga iyo dalkayaga annagaa ka masuul ah. In ciidamo kale la dulkeeno ama lasoo fara galiyo, ma aqbalayno, waana ka dagaalamaynaa,” ayuu horay uy yiri Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC- Khaatumo.

Dhaq-dhaqaaqan ciidan ee ay Itoobiya ka billowday aagga Khaatumo ayaa kusoo beegmaya, xilli ay weli halkeedii xiisadda badda ee kala dhexeysay Soomaaliya.

The post Itoobiya oo ciidamo gaysay deegaanada SSC-Khaatumo + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this