Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo gacanta ku dhigtay Mas’uul ka tirsanaan jiray Gobolka Banaadir oo ku eedaysan Shabaabnimo

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240309_123432408.jpg?resize=860

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ay ku eedaysay in uu ka tirsan yahay Alshabaab.

Abuukar ayaa intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019 soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Wadajir, sidoo kale 2019 ilaa 2020 waxaa uu Guddoomiye kasoo noqday degmada Dharkeynley.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ay heshay xog caddayneysaa in Abuukar Axmed Caddow uu Shabaab ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, islamarkaana ay tababar Sirdoon ku siiyeen magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sidoo kale tilmaantay in eedaysane Abuukar Axmed Caddow uu Alshabaab ka caawin jiray gudbinta xogta Saraakiisha iyo Xafiisyada dowladda iyo fududaynta dhagaraha Kooxda.

PUNTLAND POST

The post NISA oo gacanta ku dhigtay Mas’uul ka tirsanaan jiray Gobolka Banaadir oo ku eedaysan Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this