Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Maraykanka oo loo xiray in uu bixiyay macluumaad xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
f3d895a0-6c6d-4c6d-835c-805b4b45eebd_w40

Sarkaal ka tirsan ciidanka Maraykanka ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyey bixinta macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan awoodda militari ee Maraykanka, sida laga soo xigtay Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka.

Saajin Korbein Schultz oo sidoo kale ah nin sirdoonka la shaqeeya ayaa lagu eedeeyey lix gal dacwadood oo ay ku jiraan in uu maleegay in uu helo, isla markaana banaanka soo dhigo macluumaad la xiriira arrimaha militariga iyo isaga oo laaluushay sarkaal dowladda u shaqeeya.

Sida eedaha ku qoran, Schultz oo ogolaansho sare u haysta arrimaha dowladda ayaaa lagu eedeeyey in uu wax la maleegay qof hadda lagu magacaabay “Conspirator A”, isaga oo dokomentiyo, sawirro, iyo waxyaabo kale oo gaashaandhigga waddanka la xiriira la wadaagayey ilaa bishii June ee sanadkii 2022.

Waxyaabaha lagu eedaynayo in Schultz uu bixiyey ayaa waxaa ku jira hanaanka gantaaladda artilariga, daraasado la xiriira horumarinta mustaqbalka ee ciidanka Maraykanka iyo daraasado la xiriira dhoolla-tusyada iyo hawlgallada ay sameeyaan dalal waaweyn.

PUNTLAND POST

The post Sarkaal ka tirsan Ciidanka Maraykanka oo loo xiray in uu bixiyay macluumaad xasaasi ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this