Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Soomaaliya gudaha Kenya ka hirgeliyey adeeg muhiim u ah Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   
Booliska-Puntland.jpg?fit=954%2C960&ssl=

Nairobi (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal uu ku shaacinayo in adeeg cusub oo bulshada muhiim u ah uu ka furay gudaha safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya.

Adeegaasi waa warqadda cadeynta dembi la’aanta oo qofka muwaadinka ah uu u baahanayo mar kasta, isla markaana ay ku dhibanaayeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, wuxuu bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, ku wargalinayaa in ay Safaarada Soomaliya ee Nairobi ka heli karaan, adeega warqada dembi la’aanta iyo mida asluub wanaaga, laga bilaabo maalinta isniinta ah 11 March 2024,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Qoraalka booliska ayaa intaas ku sii daray, “Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (CID), oo xafiis ku leh safaarada, ayaa qabanaya shaqadaas oo laga maarmaan u ah ummadda Soomaaliyeed in mudo ahna ay dadkeenu ku dhibanaayeen helisteeda.”

Caqabada ay Soomaalida Kenya ku qabeen inay helaan warqadaas dembi la’aanta ah ee CID ay bixiso waxaa ka mideysan dhamaan Soomaalida ku nool dunida ee dalkeeda ka maqan.

Booliska Soomaaliya ayaa qoraalkaan ku balan-qaaday in safaaradaha kale ee Soomaaliya ay ku leedahay caalamka uu ka furi doono xarumo bixiya adeegaan oo kale.

“Waxaa intaas dheer, in Hoggaanku uu qorsheynaayo in xafiisyo kale laga furo safaaradaha  Soomaali ee Dalka Dibadiisa ah, oo ay ummadu ku dhibantahay si muwadiniinta u helaan adeega sare ku xusan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii booliska ayaa ku soo bandhigay halka uu kala soo xiriiri karo qofkii cabasho qaba, “Wixii cabasho ah oo la xariira helista adeega wax lagu soo hagaajin karaa safaarada ama emailka Hoggaanka Baarista cidsomalia@cid.gov.so.”

 

The post Booliska Soomaaliya gudaha Kenya ka hirgeliyey adeeg muhiim u ah Soomaalida appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this