Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafti Somaliya ka socda oo isku qoys ah oo Kiiniya kula kulmaaya wafti Itoobiyaan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa Nairobi ku sugan wefti ka socda Xukuumada Federalka Somaliya oo ka kooban 4 xubnood oo dhamaantood ka soo jeeda qoyska madaxweyne Xasan Sheekh

Hadaba xubnahani uu Xasan Sheekh u soo dirsaday shirka Kiiniya ayaa ka kooban dhamaantood qoyskiisa beesha Mogadishu Clan xagan hoose ka akhriso magacyadoida iyo haybtoida.
1-Ali Balcad
Wasiiru-Dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Somaliya. WAA ABGAAL
2- Hussien Moalin
Lataliyaha Amniga qaranka ee Madaxweynaha Somaliya. WAA MURUURSADE
4- Kamaal Gutale: Xoghayaha Xafiska RW Somaliya WAA HABARGEDIR
4- Yasmin Ahmed ( Lawyer) Ujaajeen, waa iska Mogadishu Clan).

Wararku waxa ay sheegayaan in ay weftigaasi la kulmayaan wefti kale oo Ethiopian ah oo ka imanaaya Caawa Addisaba. Kulankaasi waxa dabada ka riixaaya US sida la sheegaayo. Xukuumadii Somalia waxa ay leeyihiin MOU-da Ethiopia iyo Somaliland wada saxeexdeen 1-dii January, 2024 ayaa la la laalayaa.

Xubnahani ka socda Soomaaliya ayaa faafinaaya in ay dawlada Itoobiya cadaadis diblomaasiyadeed oo xoogan ku qaadeen 3 bilood ee ugu danbeeyay si ay uga noqdaan heshiiska ay la gaadheen Somaliland.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xaga Itoobiya oo ku saabsan waftigaasi ka tirsan xukumadda faashilka ah ee Xasan Sheekh ee sheegaaya in ay wafti heer wasiiro ah oo Itoobiyaan ahi ay isugu imanayaan dalka Kiiniya oo ay iyagu hada ku suga yihiin.

Dhanka kalana heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland dhex maray ayaa gabo gabo hada ku dhow waxana la filayaa in dhawaan heshiiskaasi loogu dhawaaqo.

33 Sano waxa xukumad Soomaliyeed ah ah oo ka talisay Somaliland ma jirto wax maamul ahna marnaba lama ay wadaagin, afka ayuunbay ka sheegtaan in Somaliland ay tahay qayb iyaga ka mid ah taasi oo haba yaraatee aan run ahayn.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this