Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Tababay usoo Xiray Cutubyo Ka Tirsan Koumaandooska Gorgor

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Side Gaarka ah u tababaran ee Gorgor oo ka qalin jabiyey dugsiga ciidamada ee Turksom.

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

“Deegaanno badan oo muddo dheer ay joogeen argagixisadu ayaa xor ka ah maanta. Sharafta iyo karaamada ay umadda Soomaaliyeed leedahay cidda soo celin karta waa idinka iyo kuwa idinla mid ah ee ka qalin jabiya xeeryahan”.

Cutubyada ciidamadan ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada Cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey nolashooda iyo tababarrada ay qaateen, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyey dowladda Turkiga doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, xilli dhowaan labada dowladood ay galeen heshiis dhanka difaaca ah oo Turkiga ku ilaalinayo Badda Soomaaliya.

409075911_839490758222065_39707255020647 409093459_839490698222071_52976120388924 429750122_839491064888701_26770131885455 429765056_839491241555350_79166736911949 429772490_839491364888671_90957405500666 429772884_839490834888724_19447411643605 429789528_839490644888743_51863826326379 429792325_839490661555408_86602088420537 429806039_839491094888698_42960897787832 429807655_839491164888691_19557877680138 429812811_839491251555349_21881254998678 429813633_839491294888678_16020197294129 429824685_839491324888675_81458833442488 429826685_839490718222069_13057887702459 429959640_839490861555388_74552707139622 430216372_839491031555371_38185531584533 431091772_839490808222060_24407739124264 431097499_839491194888688_77681604494258 431821124_839491124888695_41543504675788 431898993_839490938222047_86999607400082 431924128_839491001555374_59749291003724 431924341_839490884888719_30318118709024 431964038_839490774888730_60470577719412 431993578_839490908222050_45692293657251

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this