Deeq A. Posted March 7, 2024 Madaxweynaha Senegal Macky Sall ayaa shaaciyey xilliga ay dhici doonto Doorashada, kadib xiisadii ka dhalatay dib-u-dhigista doorashada oo hore loo qorsheeyey inay dhacdo 25-kii bishii February. Golaha Dastuurka ee dalkaasi ayaa diiday go’aankii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ee dib loogu dhigay doorashada. Waxayna sheegeen in doorashada la qabto kahor inta aan uu xilka ka dhammaan Madaxweynaha oo wakhtigiisa ku eegyahay 2-da bisha April. Wuxuu Golaha Dastuurka, sidoo kale sheegay inay tartanka doorashada ay ka qeyb geli karaan 19-kii Murashax ee hore loo ansixiyey. Madaxweyne Sall, ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono marka uu wakhtigiisa dhammaado. Wuxuuna xilka soo hayey tan iyo sannadkii 2012. Todobaadyadii lasoo dhaafay ayey dalkaasi ka dhacayeen banaanbaxyo waaweyn oo khasaare keenay, iyadoo xisbiyada Mucaaridka ay sheegeen inaysan sinaba u aqbali doonin inuu wakhtiga dheeraysto Madaxweyne Sall. Go’aankii Madaxweynaha uu doorashada dib ugu dhigay ayaa salka ku hayey murran ka taagan murashaxiinta xilka u tartameysa iyo musuq-maasuq uu ku eedeeyey inay faraha kula jiraan qaar kamid ah Garsoorayaasha dalkaasi. Macky Sall, ayaa ka cabsi qabay in tartanka ay ku guuleystaan murashaxiinta mucaaridka oo la saadaalinayo inay tartanka uga awood badan yihiin xisbiga Madaxweynaha oo aan weli helin murashax heysta taageerada shacabka. Source Share this post Link to post Share on other sites