Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Norway

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1709792402914.jpg?resize=720%2C38

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Norway, Mudane Andreas Kravik oo booqasho ku yimid caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta, amniga, ladagaalanka argagixisada iyo xasilinta deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Norway taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dowlad dhiska. Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu ku boorriyay Norway in ay sii kordhiso doorka ay ka qaadato  horumarinta, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada, xasiloonida Soomaaliya iyo gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Norway ayaa bogaadiyay horumarka dowlada ay ku tallaabsatay, gaar ahaan amniga iyo dowlad dhiska, isagoo xusay in Norway ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dowladda.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Norway appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this