Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Arrintii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
431869575_762103999352082_16704818548631

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed ka soo saartay Arrintii  ka dhacday Garoonka Aadan Cadde, taas oo sababtay hakad ku yimaaday Duullimaadyadii Garoonka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu ka xuntahay falkii ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cabdulle kaas oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay kala kulmeen dib udhac ku yimid duulimaadyadii Gudaha ee sida maalinlaha ahaa uga duuli jiray Garoonka.

“Wasaaraddu, Dhammaadka Sanadkii 2022 waxay heshiis la gashay shirkadaha Diyaaradaha kaas oo ku saabsanaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo Shirkadaha Diyaaradaha si loo saxo khaladaadka ka dhaca shirkadaha Diyaaradaha kuwaas oo saameyn ku yeesha Muwaadiniinta sida maalinlaha ah uga safra Garoonka Aadan Cadde, Khaladaadkaas waxaa ka mid ah”

“Diyaaradaha oo ka dib dhaca wakhtiga duullimaadka, qeyb kamid ah Shirkadaha Diyaaradaha oo aan haysan Diyaarado ay ku howl-galaan, Shirkadaha oo Shacabka u jara Tigidho ka badan tirada ay diyaaraddu qaaddo iyo iyaga oo aan dhowrin xuquuqda Muwaadiniinta xilliyada uu baaqdo duullimaadka”

“Sidoo kale in aysan ku dhaqmin jadwalka maalin-laha ee duullimaad-yada aada Goballada iyadoo dhammaan shacabka loo jaro tigidho isku wakhti ah, isla markaasna dhammaan Rakaabka Safraya ay ku soo xareeyan Garoonka salaada Subax ka dib” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka

FB_IMG_1709790826175.jpg?resize=720%2C90

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Arrintii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this