Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadeexad ka taagan garoonka Aadan Cadde iyo duulimaadyadii oo hakad ku jira

Recommended Posts

Deeq A.   
Garoonka-Aadan-Cadde-Airport-scaled.jpeg

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa maanta markale ka taagan buuq iyo fadeexad la xiriirta lacag sifo aan sharci aheyn looga rabo shacabka, taasi oo ay rabaan wasaaradda gaadiidka iyo maamulka garoonka, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno kamid ah maamulka diyaaraddaha.

Lacagtan oo 9 dollar ah ayaa shirkaddaha diyaaraddaha ee ay Soomaalidu leedahay ama maamulan waxaa lagu amray iney shacabka saaran, kadibna lacagtaas lagu shubo akoon ay leedahay shirkad gaar ah.

Arrintaan ayaa maalintii labaad hakad gelisay duulimaadyada gudaha (Local) ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyada oo shacab fara badan ku cadiban yihiin garoonka qeybta Local-ka.

Muranka ugu weyn ayaa u dhaxeeya wasaaradda gaadiidka iyo shirkaddaha diyaaradaha oo ku saabsan in lacagaha xogta rakaabka lagu kordhiyo qiimaha Ticket-ka iyo in aan lagu kordhin, ayada oo xogta dadka dhoofaya loo dhiibayo shirkad gaar ah, taasi oo iyaduna aad uga soo horjeeda nidaamka amniga iyo kalsoonida dadka dhoofaya.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii shirkad lagu magacaabo Hornlink la soo kordhiyay, taasi oo nidaam cusub oo ay leedahay lagu shubayo xogta muwaadiniinta ka dhoofeysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shirkaddan oo ganacsato leeyihiin ayay wasaaradda gaadiidka qandaraas ku siisay inay uruuriso xogta rakaabka raacaya diyaaradaha, taasi oo lacag dheeraad ah kusoo dalacday rakaabka.

Si kastaba, marka laga imaado culeyska dhaqaale ee arrintaan ka dhashay, sidoo kale wax sahlan ma ahan in dad gaar ah ama shirkad gaar loo leeyahay loo gacan galiyo xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan ama xogta madaxda qaranka.

The post Fadeexad ka taagan garoonka Aadan Cadde iyo duulimaadyadii oo hakad ku jira appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this